Tuesday, May 21, 2024
HomeEditorialSidee bay tahay in aynu uga falcelinno hadalkii Museveni?

Sidee bay tahay in aynu uga falcelinno hadalkii Museveni?

Arar:

Ujeedkeygu ma aha in aan ahay taageero madaxweynihii hore ee Farmaajo oo aan ku diganayo madaxweyne Xassan. Ujeedkeygu waa sida aan u arko in ay tahay qof ahaan in aan uga falcelinno hadalkii uu Madaxweynaha Ugandha ku yiri wafdigii uu hoggaaminayey madaxweyne Xassan

Marka 1aad waxa aan is xusuusinaynaa in madaxweyne qofku marka uu noqdo uu yahay dalka iyo dadka qofka metelaya ee u ah tusaalaha sida dalkaas loo arko ama loola hadlayo. Haddii dalku yahay dal awood leh, waxaa madaxdooda loola dhaqmayaa si maqaamkeedu sarreeyo, waxaana loo muujinayaa tixgelin iyo maamuus hadba inta dalkaasi le’egyahay.

Marka 2aad burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa kasoo wareegay 31 sano. Waxaana muuqata in ay sii lumayso wixii ummad qarannimadeeda mideyn jiray oo ay wada ilaashan jireen. Waxaa loo kala jajabay qeybo sii yar-yaraanaya oo gunta ku haya dan shakhsi ah oo hadba la huwiyo shaar qabiil ama mid diimeed, taas oo hadba cidda rabta in ay wax ku hesho ay ugu habar wacata, kuna beer laxawsato bulshada qeybeheeda kala duwan.

Marka 3aad waxaa iyana sii gabaabsi ah wixii aannu ku xusuusan jirnay ama ciddii na xusuusan jirtay in aannu nahay ummad waxbadan ay ka dhexeeyaan, waxaana mooddaa in uu soo xoogeysanayo codadka sii kala geynaya bulshada Soomaaliyeed oo dhab ahaantii aysan ka dhexeyn cadaawad iyo nacayb xeel dheer oo keenaya in lasii kala tago.

Marka 4aad waxa aanan jirin himilo guud oo halku dhig leh, taas oo ay bulshadu wada ilaashato ama ugu yaraan ay u aragto wax muqaddas ah oo mudan in aanan laga tanaasulin, taas oo iyana hanjab ku ah qofka Soomaaliga ah ee hadda jooga. Waxaana sii aadkaanaysa qofkii is dhaha wax qabo, himilada guud ee uu dadka u jihayn lahaa ama dedaalkiisa ku dhisi lahaa.

Intaas oo la’isku daray waxa ay keentay in dhib kasta oo nagu dhacda aysan na xanuujin, xanuujintii lahayd falcelinta iyo ka dhiidhinta. Waxaana looga haraa tacsi ama tawaawac aanan isku tashi iyo midnimo looga gudbin. Waxaana intaa dheer jikaar iyo isku wiirsi xeel dheer oo hadba qaarkeen qaarka kale la tiigsanayo.

Waxaa soo baxay gafaneyaal, ma nexeyaal ka noolaada mililkaas bulshadeenna laga dhex unkayo, kuwaas oo ka shaqeeya dhaca iyo boobka dalka kheyraadkiisa, isku dirka iyo kala dilka walaaltinimo ee dadkeennu ay dhibta uga gudbi jireen, kuwaas oo qaarkood ay yihiin dad codkooda meel walba gaaro, dadkuna si weyn u dhegeystaan oo leh saameyn xooggan.

Haddaba maxaa inoo xal ah?

Marka 1aad waxaa bishaaro ah in aannu nahay dad adag oo duruufaha u leh dul iyo karti ay uga gudbaan, waxa aanna leenahay jiil waxbartay oo meelwalba jooga, gobol walbana laga helayo, waana cunsurka ugu muhiimsan ee wax sixi kara.

Marka 2aad waxa aan leennahay dal hodan ah oo kheyraadkiisa iyo meesha uu ku yaal la’isku raacay in uu leeyahay tiirarka dal uu ku hormaro, tiirarkaas oo maantay dunidu ay si weyn ugu baahi qabto in ay ka faa’iideysato, annaguna aan ka faa’iideysanno.

Marka 3aad waxa aan joognaa casri quwadaha adduunku ay ku tartamayaan in ay ciddii wax qabsanaysa la qabsadaan, waxwalba oo dalku u baahanyahayna aannu heleyno dalal diyaar u ah in ay nagala shaqeeyaan in aan helno, innaga iyo iyaguna si “Win-win” ah aan ku kala meceesheynno.

Marka 4aad waxa aannu leenahay qurbo-joog laga heleyo khuburo cilmi kasta iyo xirfad kasta xambaarsan, diyaarna u ah in ay dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan, balse u baahan in loo jiheeyo, loona mideeyo qaabkii ay ugu faa’iideyn lahaayeen aqoontooda iyo waayo aragnimadooda.

Intaas oo la’isku daro, lagana faa’iideeyo, waxa ay na dhaxalsiin kartaa in aannu wakhti yar kasoo kabanno jabka na haysta. Waxa aanna awoodi karnaa in aan tusaale u noqonno qaran jabay oo soo kabtay.

Waxaa nala gudboon in aynu codadka mideynta iyo walaaleynta xoojinno, in aynu ku celcelinno waxa naga dhexeeya ee badan, waxaa liidnimo ah in aynu qofka dedaalaya madax iyo shacabba lagu wiirsado, halka qofka wax duminaya ee ina kala dilaya aynu u sacab tunno, dhiirrigelinna uu naga helo. Waa in aynu ku sifownaa oraahdii ahayd “Ummadaha guuleystay kooda fashilma way dhiirrigeliyaan. Halka ummadaha guul-darreystay ay fashiliyaan kan guuleysanaya.”

Soomaaliyeey toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiinna taag daranee
Taageera weligiinee.

W/Qoray: Cabdullaahi Bootaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments