Horudhac
Afar xilli-roobaad oo baaqday ama roobabku ku yaraayeen inta badan 18-ka Gobol ee Soomaaliya ayaa sababtay in Soomaaliya ay gasho abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah. Taasoo si aad ah u saameysay Reer Guuraaga iyo Beeraleyda oo wax-soo-saarkooda ay ku tiirsan tahay nolosha Soomaaliya xooggeeda.
Abaarta oo ah abaar baahsan oo faafeysa waxa ay saamaysay dalka oo dhan. Haddii aan roobka deyrtu imaan bartamaha bisha September, islamarkaana aan olole gargaar bini’aadamnimo oo xooggan aan si dhakhso ah loo samayn, abaartu waxa ay isku beddeli kartaa macaluul baabbi’isa dad iyo duunyaba.
Abaartu Soomaaliya oo keli ah ma saameyn balse waxay saameysay Geeska Afrika iyo meelo kale oo qaaradda ah. Hay’adda Laanqayrta Cas (ICRC) waxay sheegtay in ugu yaraan afar meelood meel Afrikaanka oo dhami ay wajahayaan khatar xagga amniga cuntada ah.
Dagaalka Ruushka & Yukrayn ayaa saameyn laba afle ah ku yeeshay Abaaraha Afrika; Iyadoo dadaalladii oo dhami deeqaha iyo qaaraankii hay’adaha caalamiga ahna Yukreyn loo leexiyay ayay u dheer tahay Maciishaddii oo kor u kacday & Qaaradda oo si weyn ugu tiirsaneyd Qamadiga kasoo go’a Yukreyn.
Hay’adda isku dubba ridka hawlaha Gargaarka Binii’aadannimo ee Soomaaliya; OCHA ayaa warbixin ku sheegtay Dadka Soomaaliyeed ee u baahan gargaar bini’aadamnimo waxaa lagu qiyaasayaa 7.7 milyan. Waxaa kale oo la saadaalinaya in 1.4 milyan oo carruur ah ay soo wajihi doonto nafaqo-darro ba’an, halka 4.8 milyan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay soo food saari doonto cunto yari/la’aan. Sidoo kale, 4.9 milyan ayay caga-cageynayaan dadka ay saameeyeen abaaruhu, halka in ka badan toddoba boqol oo kun oo qofood ay abaartu ka barakaceen guryahoodii (QM, Maarso 2022).
Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay hoy u tahay boqolaal kun oo qof oo ka soo cararay abaarta ku dhuftey gobollada Baay iyo Bakool, si lamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa marti-geliyana kumannaan shacab ah oo kasoo barakacaya Gobolada ku hareeraysan.
Faadumo Cali oo labo caruura ay ka dhinteen ayaa BBC-da uga warantay sida ay caruurteedu ku dhinteen iyo dhibtii ay waddada ka soo mareen ka hor inta aanay Baydhabo soo gaarin.
Waxay sheegtay in carruurteeda ay uga dhinteen nafaqo darro iyo cunto la’aan kadib abaarta ee saameysay halkaas.
“Waan soo lugeynay shan canug ayaa naga soo dhimatay, saddex dadka dariskeyga waaye, labana aniga ayay iga dhinteen, waan soo lugeyneynay, gaari ma aanan wadanin”
“Waxaa korortay tirada carruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ee nafaqo-darrada loo dhigayo deegaannada Maamulka Koonfur-Galbeed, gudaha Baydhabo Laga soo bilaabo May ilaa June, tirada nafaqo-darrada ayaa kor u kacday 300 ilaa 500. Unicef Somalia.
“Cunto yarida ba’an ayaa kasii dareysa guud ahaan Soomaaliya. Dhamaadka sanadka, 7.1 milyan oo Soomaali ah, ama ku dhawaad kala bar dadka, ayaa wajahaya cunto yari ba’an, halka 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shanta sano ay soo food saartay nafaqo darro ba’an, taasoo ka dhigan 45% dhammaan carruurta. Dad lagu qiyaasay 4.2 milyan oo qof ayaa soo wajahday biyo la’aan ba’an, halka in ka badan 800,000 oo qof ay ku barakaceen abaarta. Cudurrada dillaacay ayaa sare u kacay, iyadoo 7,284 xaaladood oo daacuun ah laga soo sheegay 26 degmo oo ay abaaruhu saameeyeen, halka 11,220 xaaladood oo jadeeco looga shakisan yahay laga soo sheegay dalka oo dhan tan iyo bishii Jannaayo.” Unicef Somalia
“Isbar-bar dhig lagu sameeyey xaalada dahaarka dhulka (Vegetation cover) iyo xaalada daaqa (Pasture) ee deeganada Puntland sannadadii 2020 ilaa 2022 waxaa ay muujinayaan.
In Sannadadii 2020 May ilaa 2021 May uu siyaaday xaalada daaqa iyo guud ahaan dahaarka dhulku (Vegetation cover) sida ku muujisan Khariidadaha 1aad & 2aad maadaama ay roobabkii Gu’ga ee sannadahaasi wanaagsanaaayeen.
Sannadka 2022 ee ah kan aan hadda ku jirno sida ka muuqata Khariirada 3aad waxaa gebi ahaanba baaba’ay dahaarkii dhulka iyo daaqii maadaama aysan roobkii Gu’ga sifiican uga di’in deegaanada Puntland.
Xaaladda daaqa ayaa aad u liidata ama aan-ba jirrin, taas oo saamayn xun ku yeelatay dhammaan Meesiyada Xoolaha laga dhaqdo deegaanada Puntland, waxaa siyaaday dhimashada xoolaha sababo macaluul iyo cuduro xoolaha haleelay, waxaa sidoo kale ay abaartu saamaysay nolosha qoysaska reer miyiga ah dhammaan deeganada Puntland.” IMC Puntland.
Inkastoo Sannadihii ugu dambeeyay Madaxda Soomaalidu aanu Ahmiyad badan siin Abaaraha ka jira dalka, dalkuna ku jiray xaalad hubanti la’aan ah, Doorashooyinkii labada Gole & Madaxweynaha ayaa qaatay labo sano, qeylo dhaanta beesha caalamku se waxay aheyd mid joogto ah inkastoo indhaha caalamku u jeedeen dhanka Ukraine & Gobolka Tigrey.
Wax ka qabadka Abaaraha
Marka la eego qaababka lagula tacaalayo meelaha sida weyn kaalmada looga baahan yahay, jawaabta deeq bixiyayaasha caalamku ka bixiyeen abaarta waa mid hooseysa.
Xarunta Gargaarka bini’aadamnimo ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa Hay’adda Waddaniga ah ee Tadamun ayaa gaarsiisay deeq in ka badan 254Kun oo qof oo ku kala sugan Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland, Banaadir & Somaliland.
Dawladaha Qadar, China & Imaaraatka ayaa caawimaado soo gaarsiiyay dadka ay abaartu saameysay, Dawladda Imaaraatku waxay ugu deeqday Soomaaliya $20 Million kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu boqasho ku tagay dalka isu tagga Imaaraatka Carabta.
Hay’adda dowladda Mareykanka u qaabilsan kaalmada caalamiga ah ee USAID ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu $476 Milyan oo dollar ku bixinayo kaalmooyin bani’aadanimo iyo kuwa horumarineed oo muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed ee ay soo wajahday abaarta daran.
UNICEF ayaa dhankeeda dedaal wadda, siday ay ku xustay warbixin kasoo baxday bishan tan iyo bishii Janaayo “Sanadkii 2022, UNICEF waxaan gaarsiinnay 709,027 oo qof oo xaalad biyo la’aan ah ku sugan biyo deg-deg ah, halka 319,493 qof la siiyay biyo dhigaal ah. Carruur da’doodu ka yar tahay 5 sano oo la ildaran nafaqo darro gaarayana 186,582 carruur ah & 596,915 hooyooyin ayaa la gaarsiiyay adeegyada quudinta, UNICEF waxa ay taageertay 464,259 carruur iyo haween ah si ay u helaan adeegyo caafimaad oo nafo-badbaadin ah.
Intii u dhaxaysay Jannaayo iyo Juunyo 2022, UNICEF waxa ay 119,861 carruur ah oo nugul ah (46 boqolkiiba ay gabdho ahaayeen) ka caawisay in ay helaan waxbarasho, halka 80,370 qof lagu taageeray bixinta adeegyada caafimaadka dhimirka iyo bulshada nafsiga ah.
Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ayaa kor u qaaday gargaarkeeda sida ay ku xustay warbixin ay soo saareen bishan July “1.7 milyan oo qof oo la taageeray bishii Abriil, ilaa in ka badan 3.5 milyan oo qof ayaa bishii June lagu taageeray cunto gargaar iyo gargaar ku salaysan lacag caddaan ah. Inta badan gargaarka bishi June waxa lagu bixiyay gargaar lacageed”
Dedaallada Heer Qaran & Heer Dawlad Goboleed
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagoo dooran 9 cesho, 24-May-2022 wuxuu Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur u Magacaabay Ergey gaar ah oo Arrimaha Abaaraha Soomaaliya isagoo sidoo kale Safarro uu ku bixiyay dalalka Imaaraatka & Turkey usoo bandhigay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, Dawladda Imaaraatka ayaa laba mar oo kala duwan ku kala deeqday deeq lacageed oo gaaraysa $20 Million.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisii ugu horreeyay ee dalka gudihiisa booqday xero barakacayaal oo ku taal magaalada Baydhabo, si uu ugu kuur galo xaalada dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool Koofur Galbeed.
Ergeyga Abaaraha ayaa gaaray meelaha ugu daran abaaraha booqday sida Jubbaland, Koonfur Galbeed & Puntland wuxuuna booqday IDPS isagoo warbixino ka diyaariyay u bandhigay beesha caalamka & Soomaalida.
Dawladda Puntland ayaa ilaa hadda ah Dawlad Goboleedka keli ah ee bilaabay Gurmad Abaaraha ah, Puntland ayaa abaabushay Shirweyne gurmadka Abaaraha oo ah Shir loogu qareemayo looguna gurmanayo dadka ay Abaartu saameysay.
Dawladda Puntland ayaa $1 Million oo Dollar ku shubtay Qasnadda Gurmadka Abaaraha Puntland iyadoo uu Madaxweynaha Puntland uu Magacaabay guddi heer Puntland oo ka kooban Xukuumadda, Culumada, Ganacsatada & Bulshada Rayidka ah.
Guddiga Qaran ee Abaaraha & Wasaaradda Gargaarka ayaa dhankooda wadda dedaallo heer qaran oo lagu gaarsiinayo deeq raashin & dawooyin ah dadka ay abaartu soo ridatay.
Wasaaradda Gargaarka ayaa tan & intii Dawladdan cusub timid gaarsiisay sahay gar-gaar gobollo badan oo kamid ah kuwa abaarta la ildaran, sida: Gobolada Mudug, Gal-gaduud, Bakool, Banaadir, Gedo, Bari, Nugaal & Hiiraan.
Gunaanad
Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay masiibo bini’aadantinimo, Boqolaal kun oo qof ayaa hal tallaabo u jirta macaluul iyo gaajo, Isbeddelka cimilada oo saameeyay dunida oo dhan ayaa si weyn looga dareemayaa qaaradda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo Afartii xilli roobaad ee u dambeysay biyaha roobku yaraa.
Dunidu waxay u baahan tahay inay si degdeg ah wax uga qabato, unasoo jeedsato Xaaladda Abaarta Soomaaliya oo Macaluul isu beddeli karta haddii Roobka Deyrta la waayo bilaha September & October.
Warbaahinta Soomaalida oo aan sameyn dedaalladii loogu qareemi lahaa dadka abaaraysan waa inay si maalinle ah warbixino ugasoo sameyso dadka abaaraysan si indhaha caalamku ugusoo jeedsado xaaladdan khatarta ah.
Ganacsatada, Culumada & Qurbo Joogta Soomaaliyeed oo aan weli muujin dedaalladii looga bartay, waa inaysan dhayalsan xaaladdan, gurmad deg-deg ahna bilaabaan.
Ugu dambeyn Umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto waa inay qorshe & xal-waara ka yeelataa abaaraha soo noq-noqonaya sannad kasta.
©️Daily Somalia.