Wednesday, September 18, 2024
HomeNewsAnsixintii xukuumadda XAmZa, Kadib Swan oo Xamza u sheegay arrin ka go’an...

Ansixintii xukuumadda XAmZa, Kadib Swan oo Xamza u sheegay arrin ka go’an QM.

Muqdisho (dailysomalia) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray “xoojinta taageerada hay’adaha QM ay siiyaan Soomaaliya,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee xukuumadda.

Wakiilka QM ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda oo shalay ay meel-mariyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay hay’adaha QM in ay xoojiyaan taageeradooda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahad-celiyey Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo xusay in xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo. ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka ka soo baxay kulanka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maalinimadii shalay Golaha Shacabka BFS hor-geeyay Golahiisa Wasiirrada oo ka kooban 74 Wasiir, kuwaas oo helay kalsoonida ugu badneed ee Xukuumadda la siiyo, iyaga oo helay 229 mudane oo ogal ugu codeesay cod gacan taag ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments