Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhow ka dhacay magaalada Jowhar ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle, gaar ahaan aagga Hotel Nuur Doob halkii la oran jiray Mishinka.
Qaraxa ayaa ahaa mid ismiidaamin ah oo gaari kuwa xamuulka ah qalab dhisme waday laguna soo raray waxyaabaha qarxa.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu bartilmaameedsaday hotel Shabeelle oo ah deegaan uu degan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, inkastoo Wasiirka aanu joogin xilliga qaraxu dhacayay.
Sidoo kale waxaa wararku sheegayaan in Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa.
Qaraxa ayaa burburiyay Guryo fara badan oo ku dhow halka qaraxu ka dhacay iyo kuwa ka fog, waxaana qaraxan uu ahaa kii u horreeyay noociisa oo magaalada Jowhar ka dhaca.
Magaalada Jowhar ayaa xarun u ah Dowlad Goboleedka Hirshabelle.