Wednesday, September 18, 2024
HomeNewsDowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhimasho ka dhacday kaniisad ku taalla Dalka...

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhimasho ka dhacday kaniisad ku taalla Dalka Masar.

Muqdisho (dailysomalia) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliyda, ayaa soo saartay qoraal, ay uga tacsiyeynayso dowladda Masar, dhimasho ka dhacday kaniisad ku taalla Masar, oo uu dab qabsadey shalay.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay dowladda Soomaaliya ay murugadad la qeybsaneyso dowadda Masar iyo shacabkeeda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa caafimaad deg deg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay kaniisada. Ugu yaraan 41 qof, ayaa ku dhintay dabka ka kacay kaniisad ku taalla magaalada Giza ee dalka Masar.

Dabkan ayaa xiray halka laga soo galo kaniisadda, isagoo sababay is buurasho, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah.

Waxay wararku intaa ku darayaan in inta badan dadka ku dhintay ay carruur ahaayeen. Dhowr qof oo kale, ayaa ku dhintay dabkaas.

Waaxaha dab damiska, ayaa sheegay in dabka haatan la damiyay. Lama oga weli waxa dhabta ah ee sababay dabkaas.

Hoos ka daalaco qoraarka ka soo baxey Wasaaradda Arrimaha Dibadda federaalka Soomaaliyda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments