Tuesday, March 18, 2025
HomeEditorialFALANQEYN: GOLAHA WASIIRRADA CUSUB EE SOOMAALIYA.

FALANQEYN: GOLAHA WASIIRRADA CUSUB EE SOOMAALIYA.

Muqdisho-Daily Somalia: 2-dii bishan Aug 2022 wuxuu Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare uu magacaabey golihiisa wasiirada oo ka kooban 75 xubnood kadib 37 maalmood raysal wasaare-nimadiisa.

Golahan oo 75 xubin ah  ayaa ka kooban 25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo 24 wasiiru-dowle iyo Raysalwasaarwe ku-xigeen, xubnahan oo isugu jira inta badan wajiyo siyaasada horay ugu jiray ha ahaadaan wasiiro hore, xubno siyaasiyaan ah, xildhibaano kamid ah golaha baarlamaanka faderaalka  Soomaaliya iyo qayb kamid madaxdii hore ee urur diimeedka  Alshabaab.

Haweenka ayaa xukuumadaan uu magaacabey Ra’iisul-Wasaare Xamse ku yeelanaya 10  xubin oo isugu 3 wasiir iyo 7 wasiir dowle.

Raysal Wasaaraha Xukuumada Faderaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray Wasaarad kamid ahayd xukuumadii hore, sidoo kalena kusoo kordhiyey wasaarad cusub.

Waxaa Ra’iisul-Wasaare Xamse ka saarey Wasaaraddii Gargaarka iyo Musiibooyinka taas oo horey  Madaxweyne Xasan Shiikh ugu magacaabey Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo gargaarka bani’aadamino, wuxuu sidoo kusoo darey Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada oo awal ahayd hay’ad, taas oo hadda loo magacaabey Marwo Khadiijo Maxamed Al Makhsuumi.

Sidoo kale waxaa meesha laga saaray Wasaaradda Dastuurka oo horay gooni ugu taagneyd, waxaana hadda la raaciyey Wasaaradda Cadaaladda oo noqoneysa wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, waxaana loo magacaabay Xasan Macallin.

Magacaabista golahan wasiiradda ayaa hadal heynta u badan ee ka dhalatey gudaha dalka iyo caalamkaba ay tahay in Shiikh Mukhtaar Roobow (Abu Mansuur) oo kamid ahaa madaxdii hore ee Alshabaab loo magacaabo Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, asagoo 3dii sano ee dambeeyay uxirnaa xukuumadii hore horeyna usoo noqdey afhayeenkii ururka Alshabaab.

Warbaahinta Caalamka ayaa hal cinwaan ka sintay Magacaabidda Mukhtaar Roobow.

Wasiir Xasan Eelaay oo xilligii uu ahaa Wasiirka Amniga KGS ay dowladdii Farmaajo isaga iyo mas’uuliyiin kale u adeegsatay in la xiro Sheekh Mukhtaar Roobow, lagana soo qabtay Baydhabo bishii December 2018 ayaa galabta markii xilka Wasiirka Xanaanada Xoolaha loo magacaabay waxaa uu Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha hortooda ku raalli geliyay Mukhtaar Roobow, waana uu cafiyay.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo muddo saddex sano arrimo siyaasadeed ugu xirnaa dowladdii hore ayaa ka mid noqday Golaha Wasiirrada cusub, isagoo loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.

Sidoo kale xubintii ugu horeysay ee ka mid ah Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya ee la magacaabay ayaa ka baxay, iskana diiday xilka loo dhiibay, shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ayuu Maxamed Cabdulqadir oo ku magacaaban Wasiir ku xigeenka Qorsheynta Soomaaliya uu  caddeeyay inuu iska casilay xilkaas cadaadis uga yimid beeshiisa oo aan u qalmin sida uu sheegay xilka loo magacaabay.

Wasiir ku xigeenkan ayaa ah nin dhalinyaro, wuxuuna kasoo jeeda beesha Carab-saalax Mehri Ismaciil ee Puntland, iyadoo ay isku awood qeybsi yihiin Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin, taasoo keentay in beeshaasi ay wasiir heli weydo.

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ugu magacdarey xukuumaddiisa “Dan Qaran” isagoo sheegay inuu ku rajoweyn yahay in ay hirgaliyaan astaantii madaxweynaha ee, “Soomaali heshiis ah dunida la heshiis ah”.

Waxey xafiisyada madaxweynaha iyo kan ra’iisul wasaaraha dadaal badan ku bixinayaan sidii loo marsiin lahaa golaha shacabka xukuumadaan cusub si ay kalsoonida shacabka uhelaan iyadoo durba Xildhibaanno ka horyimaadeen golahan cusub.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments