Wednesday, September 18, 2024
HomeEditorialFALANQEYN: Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya & Masar.

FALANQEYN: Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya & Masar.

Soomaaliya iyo Masar waa labo wadan oo ku kala yaal Waqooyiga iyo Bariga Qaarada Afrika,laakiin waxay waligood ahaayeen laba dal oo aad isugu dhow, labada dal inta ku xusan taariikhda la xusuusto waxaa waligood ka dhaxeeyay xiriir soo jireen ah oo aad isugu dhow.

Masartii ay faraaciintu xukumi jireen waxay xiriir dhaqan dhaqaale la lahayd soomaaliya oo ay berigaa ka soo doonan jireen fooxa iyo maydiga iyo baalka goronyada iyo geedaha carfa oo ay ku shidi jireen guryaha boqorada iyo meelaha ay wax ku caabudaan.

Faraacinadu waxa ay berigaa soomaaliya uyaqaaneen dhulkii uduga (Puntland).

Dalka Masar waxay ahayd mid si dhow u garab taagan soomaaliya, waayo waxay masar ahayd wadanka ugu cad cad ee ka taageeray dadka soomaaliyeed xornimo doonkii, waxayna madaxdii Masar goob kasta oo lagu kulmo ka sheegi jireen sida ay muqadas u tahay in wadankaas geeska afrika ku yaal uu mudan yahay in xoriyadiisa la siiyo.

Markii ay soomaaliya xoriyadda qaadatay 1960 kii dowlada masar waxay ahayd dowladii ugu horeysay ee aqoonsatay ee safaarad ka furata,waxayna markiiba is garab taagtay dowladii dhallaanka ahayd oo ay ka caawisay agabyadii aasaaska u ahaa dowladnimada.

Wadankaas masar ee faqriga ah ee ay ku nool yihiin dadka labaad ee ugu tiro badan afrika wuxuu si is xilqaanimo ah isugu taagay inuu soomaaliya ka caawiyo xagga tababarada ciidamada iyo maamulka,wuxuu kaloo u soo diray Macalimiin bilaash wax ku barta caruurta soomaalida.

Madaxweynaha Soomaaliya oo 25-kii bisha booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Masar ayaa la kulmay dhiggiisa Abdelfatah Sisi iyadoo shir jaraa’id oo ay wada qabteen labada Madaxweyne, Madaxweynaha yiri. “Waxaan isla garanay Soomaaliya in falal hal dhinac kaliya ah ay ku tahay halis Arimaha Biye-xireenka” taas oo dood badan ka dhalisay baraha Bulshada.

Shir jaraa’id HSHM & SISI.

Tan & intii ay xukunka joogeen Madaxweyne Farmaajo & RW Abiy Ahmed waxaa xiriirkoodu aad u wanaagsanaa Labada Dawladood ee Soomaaliya & Itoobiya, lama saadaalin karo sida uu noqon karo xiriirka labada dal haatan oo uu dalka Madaxweyne ka noqday Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo booqashadiisii 7-aad ku tagay dalka Masar, isagoo soo maray dalalka deriska ah marka laga reebo Itoobiya.

Itoobiya & Masar ayaa leh Taariikh cadaawad xooggan ah oo u dhaxaysa labada dal kaas oo uu gundhig u yahay Wabiga Niilka.Warar aan la hubin ayaa sheegaya in booqasho Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagi lahaa dalka Itoobiya dhankeeda ay ka cududaaratay Dawladda Itoobiya.

Saalim Siciid oo ah Falanqeeye Siyaasadda Geeska & Arrimaha Carabta ayaa Twitterkiisa ku qoray “Xiriirka Masar iyo Soomaaliya waa mid taariikhi ah oo soo jireen ah, Qaahira waxay ahayd saaxiib adag oo Soomaaliya la lahaa tan iyo markii ay xornimada qaadatay, laakiin taasi macnaheedu maaha in Soomaaliya ay colaadisay Itoobiyada deriska la ah iyada oo mowqif cadawtinimo ah ka qaadatay biyo xireenka Nile”.

Salim’s Tweet.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariin Cali Kaar oo u warramay BBC-da ayaa faahfaahin ka bixiyey wadahadalladii dhex-maray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar, kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la saftay Masar oo ay haatan is hayaan Itoobiya.

Afhayeenka Madaxtooyada.

Waxaa baraha bulshada arrintaas ku faafiyey taagerayaasha madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba afhayeenka ayaa ka hadlay arrintaasi. Cabdikariin Cali Kaar ayaa marka hore shaaca ka qaaday in Qaahira iyo Muqdisho uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, balse mar dhoweyd soo galay mad-madow. “Soomaaliya dowladda Masar waxaa kala dhexeeya xiriir soo jireen ah oo aad u qoto dheeraa, walow beryahaan dambe xoogaa mad-madow uu jiray” ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu caddeeyey mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aadan arrinta wabiga Nile, wuxuuna sheegay inuu yahay in si nabad ah looga faa’ideysyo biyaha wabigaasi. “Wabiga Nile waxa uu maraa dalal badan mowqifka dowladda Soomaaliya wuu cadyahay iminkana waa kuu caddeynayaa mowqifka dowladda Soomaaliya waa in si nabad ah looga faa’iideystaaa biyaha wabiga Nile, ayada oo la raacayo xeerarka caalamiga ah,”ayuu yiri.

Dawladaha uu maro wabiga Niilka.

Waxa kale oo uu xusay in 2021-kii uu jiray go’aan ka soo baxay Qaramada Midoobay oo ay ku wada qanacsan yihiin dalalka uu maro wabiga Nile, arrintaasina ay raacsan yihiin. “Waxaan intaas kuu raacinayaa 2021-kii waxaa jiray Resolution uu UN-ka soo saaray oo labada wadanba ay ku qanacsanaayeen oo ahaa wadamada uu wabiga Nile mara oo idil ay ku qanacsanaayeen oo ahaa si nabad ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah in biyaha looga wada faa’iideysto” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey afhayeenka Villa Soomaaliya.

Sikastaba, dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi, hase yeeshee wuxuu xumaa shantii sano ee dalka uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments