Tuesday, May 21, 2024
HomeNewsCiidamada Puntland Oo Hawlgal Ka Wada Buuraleyda Gobolka Bari.          

Ciidamada Puntland Oo Hawlgal Ka Wada Buuraleyda Gobolka Bari.          

Ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Gobolka Bari halkaas oo ay ku dhuumaalaystaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale waxay tilmaamay in hawgalka oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay kooxda uu weli ka socda nawaaxigaas.

Cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ay weheliyaan Ciidanka Sirdoonka gaarka ah ee PISF iyo kuwa PMPF ayaa si wadajir ah hawlgalkaas uga fuliyay buuraleyda Golis iyo Cal-miskaad.

Saraakiisha Ciidamada ayaa hawgalkaas ku tilmaamay mid guulaystay waxaana ay sheegeen in Al-shabaab laga saaray saldhigyo halkaas ugu samaysnaa.

Wararku waxay sheegayaan in hawlgalkaas lagu burburiyay saldhigyo ciidan oo ay ka carareen Al-shabaab islamarkaana kayd badan u yaallay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments