Garoowe (dailysomalia) – Wararka laga helayo Caasimada Garoowe ayaa sheegaya in ay mar kale xalay kulan yeesheen guddi ka socday baarlamaanka Puntland iyo madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo looga hadlayey xiisadda ka taagan Puntland.
Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii looga heshiin lahaa xiisadda u dhexeysa baarlamaanka iyo madaxtooyada, taas oo ka dhalatay magacaabista xubnaha maxkamadda sare oo ay diideen golaha wakiilada Puntland.
Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in haatan ay jirto isku soo dhowaasho labada dhinac ah, taas oo meesha looga saarayo mad-madowga soo kala dhex-galay madaxtooyada & baarlamaanka.
madaxweyne Saciid Deni ayaa ballan-qaaday in uu mar kale soo magacaabayo xubnaha maxkamadda sare ee ay goluhu horey u diideen inay meel-mariyaan, taas oo xudun u noqotay khilaafka siyaasadeed ee ka jira magaalada Garoowe.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland ay keensadeen xubnaha qaar ee loo magacaabayo maxkamadda sare, taas oo ay cadaadis ku saarayaan madaxweynaha oo horey laba jeer ku adkeysatay xubnaha laga diiday.
Waxaa sidoo kale suuragal ah in madaxweynuhu ciyaaro shax kale, isla-markaana uu soo celiyo tiro kamid ah xubnihii hore loo diidanaa ee uu u magacaabay maxkamadda sare.