Wednesday, September 18, 2024
HomeEditorial“ILEEN NIN BAAHAN BAKHTIGAA U XALAAL AH”.

“ILEEN NIN BAAHAN BAKHTIGAA U XALAAL AH”.

Sawirkaan ayaa gilgilay ciwaannada saxaafada caalamka gaar ahaan warbaahinta Mareykanka dhaliil iska soo daba-dhaceysa oo cirka-isku-shareertay ayaa ka dhalatay.
Waa Maxamed Bin Salmaan MBS, Boqor-suggaha Sucuudiga oo salaanta nooca la-yaqaan (Fist Bump) si gacaltooyo leh u kala guddoomayaan Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shalay gelinki-hore booqasho rasmi ah ku maray magaalooyinka Jeddah, Riyaad, Beyt-laxam (Bethlehem) & Qudus(Jeruselam).
——-—————————

Labo qodob isma qaadanayaan waxaa se jira mid saddexaad oo xiisada qaboojin kara.

•Jamaal Kaashuqji AUN, weriye ka tirsanaa Wargeyska Washington Post asalkiisu Sacuudi dhalasho 2aad oo American ah heystay. Wuxuu gorfeyn jiray siyaasada Barigga Dhexe, gaar ahaan wuxuu si qotadheer oo xoriyad iyo xaqiiqo ku dheehan tahay u dhaliili jiray dhaqan siyaasadeedka Maxamed Bin Salmaan MBS.
Jamaal Kaashuqji October 2, 2018 ayaa lagu khaarijiyay shirqool laga dhex fuliyay gudaha Safaarada Sucuudiga ee ku taala Magaalada Istanbul, Turkey 🇹🇷.

Jamaal Kaashuqji si arxan-darro ah ayaa loo dilay: hilibkiisa iyo lafahiisa inta la jarjaray ayaa makiinad lagu shiiday deetana aashito lagu shubay sidaas ayaa raq & ruuxdiisa lagu waayay.

-Wakaalada Sirdoonka Mareykanka CIA warbixin ay soo saartay February 25, 2021 waxay sheegtay inay gacanta-ku-hayaan cadeymo ku filan kuwaasoo muujinaya in shirqoolka Jamaal lagu khaarajiyay uu soo maleegay Boqor-sugge Maxamed Bin Salmaan.
Waxaa iyana meesha ka marneyn, warbixin(o) ay baahiyeen Heydaha Sirdoonka Turkey [Millî Istihbarat Teškilati MIT] & MOSSAD, Israel 🇮🇱 oo cadeeyay inay dilka fuliyeen ilaalada gaarka ah ee MBS.

Halkaa marka ay mareyso,
•Madaxweyne Joe Biden xilligi ololaha Doorashada uu ku jiray July 2020 wuxuu fagaare magaalada Philadelphia ka sheegay in “Maxamed Bin Salmaan uu yahay mujrim ay muhiim tahay in lagu cadaalada loo horkeeno gaboodfalka uu geystay”.

Labada qodob ee kor-ku-xusan markay is khilaafaan, – sidey aniga ila tahay – waxaa qaboojin kara qodobka hoos-ku-xusan.

•Wadankan Mareykanka wuxuu qarka u saaran yahay SICIR-BARAR kasii daran midki 2008. Maciishada iyo dakhliga nolosha dabaqada dhexe kala dhaqaaq ayaa ka jira waana sababta durba loogu diyaar-garoobay (Economic Recession).
Dhaqaalaha Mareykanka waxaa udub-dhexaad u ah Shidaalka. Qiimaha Shidaalka aad ayuu u qaaliyoobay dakhliga qoyska American-ka soo gala 40% shidaal ayaa goosta. – waloow aan heysano keydka shidaalka 2aad ee dunida u badan marki Venazuela laga yimaado balse qorshaha Mareykanku marnaba ma aha inuu shidaalkiisa soo saarto e 90-ki sano lasoo dhaafay wuxuu dhuuqayay Shidaalka Sucuudiga kaasoo indhowaale caga-jiid laga dareemay.
Go’aanki hore iyo gacaltooyada maanta ee is diidan kana wada yimid Madaxweyne Joe Biden keliya waxaa furdaamin kara inuu uga gol lahaa ‘Siyaasad lagu badbaadinayo Dhaqan-dhaqaalaha Mareykanka’

Joe Biden dhankiisa aad ayuu uga qalqalay falcelinta saxmada leh ee uga timid siyaasiyiinta & saxaafada:
War-saxaafadeed su’aalo lagu weydiinayo ayuu ka carooday kana cararay.
Wuxuu qorshaha ahaa inuu taqriiban 4 saacadood ku nagaado Macbadki uu ku dhashay Nebi Ciise CS (Church of Nativity) oo ku yaala magaalada Beyta-laxam (Bethlehem) ee Dhulka Falastiin oo uu uga gudbay Dhulka Barakeysan ee Qudus halkaasoo la qorsheeyay inuu kulan nabadeed dhex-dhigi lahaa Falastiin & Israaiil cadaadis saarnaa awgiis 40 daqiiqo ayuu kusoo koobay. Sababtoo ah wuxuu garowsan yahay inay ka dhalan doonto cawaaqib saameysa dib-u-doorashadiisa.
————————————

Hadii aad halkaan soo gaartay,
Waxaad aqrisatay aragtideyda gaarka ah.
Waan dareemi karaa inuu qoraalku yara-dheer-yahay waan kaaga mahadcelinaa waqtigaaga qaaliga aad ku aqrisay.
✍️ Liban Abdi,
© Xuquuqda Qalinka wey dhowran tahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments