Monday, October 7, 2024
HomeEditorialKoobkii Qadar: Iib geynta dhaqan wanaagga iyo duugidda nacaybka!.

Koobkii Qadar: Iib geynta dhaqan wanaagga iyo duugidda nacaybka!.

Koobkii adduunka ee Qadar ka dhacay, waxa uu bar kalaguur  u noqday sooyaalka bulshooyinka Carabta iyo Islaamka kadib tobannaan sano oo bulshooyinka dunida dhegaha loogu shubayey suurad-xumayn iyo leexin ka dhan ah tiirarka Islaamka, sooyaalkooda iyo saqaafada carbeed, iyo warbaahinta Galbeedka oo caadaysatay dagaal warbaahineed iyo mid nafsadeed; ayuu barkulanka koobkan noqday fursad dahabiya ooy maqaadiirtu keentay, si loo saxo fahannadii la weeciyey iyo axkaamtii la qalloociyey ee lagu dhisay been’abuur iyo majara-habaabin laguna quudiyeey ruux uu naxli iyo santaag hareeyey oo ka dabqaadanaysa falsafadda imbiraaliga xagjirka ah ee Galbeedka.

Guusha laga filayey Koobkii Qadar ma ahayn mid ciyaareed ama qaab-agaasin oo keliya, hala-buurkii lagu soo bandhigay wuxuu noqday mid dhammaan filashooyinkii ka sarreeyey, aragtidayda, guushan waxay salka ku haysaa qaddiyada udub dhexaad ah, oo ah qaabka qurxoon ee dowladda koobka martigalisay ay usoo agaasintay qiyamka ilbaxnimadi Islaamka iyo tan carbeed, iyo sida ay fursaddan uga faa’iidaysatay inay dib ugu qeexaan shakhsiyadda islaamka ah ee saxda ah, si ka fog muuqaalka foosha xun ee ay warbaahinta Galbeedka iyo sirdoonkoodu ay ka bixiyeen, ama falalka gurracan ee ay muslimiinta qaarkood gaysteen, siiba kuwa la xiriira xuquuqul insaanka, arrimaha haweenka, qiyamka nabadda, wada noolaanshaha iyo tixgelinta qofka kaa aragti duwan.

Haddaba, waxaa jiray lix farriin oo uu koobku gudbinayey:

1. Isma diidayaan in aad qiyamkaaga dhowratid ilbaxnimadana aad kaalin ku yeelatid.

Munaasabaddani waxa ay muujisay in muslimiinta iyo carabtu ay awoodaan in ay figta sare ee ilbaxnimada ku dangiigsadaan, casriga la jaanqaadaan, ayna yagleelaan dowladnimo ku dhisan tiknoolajidda casriga ah, ayaga oo ilaashanaya hiddahoodii soojireenka ahaa iyo saqaafadooda hodanka, kuna faanaya sawracooda islaamnimo; caqliga qofka muslimka ahi ma aha mid ka gaabiyey gudashada doorkiisi ilbaxmino, haddii uu helo deegaan ku habboon, taakulayn iyo barigantaalid. Wixii cusub caalamkaa jecele’e, waxba kuma jabna in ilbaxnimada cusub lala jaanqaado haddii go’aannadeenna iyo garaadkeenuba ay ka badbaadaan aafada dhaanraacnimada.

2. U ololaynta qiyamka Islaamka si bilaa buuq ah.

Inkasta oo uu koobku ahaa mid kubbadeed, haddana kama marnayn wax uun siyaasad, dhaqan iyo dhaqaale ah, waxaa xiiso gaar ah lahaa sida xigmadda iyo xariifnimadu ku larantahay ee ay qabanqaabiyaaashii Qadariyaanka ah usoo bandhigeen quruxda qiyamka Islaamka ayaga oo adeegsanya qaab xayeysiis ah oo xiska qofka la hadlaya. Waxaa la dhajiyey boorar lagu xardhay anshaxa suubban ee aadanuhu wadaago, waxaa la xushay rag cod macaan oo salaad kasta cod halaasiya ku adaama, iyo in la muujiyo anshaxa wanaagsan ee Islaamka ayada oo dadka si xushmad leh loola dhaqmayo, kala duwanaansha la ixtiraamayo, amniga iyo amaanada la ilaalinayo. Waxaa hubaal ah in habdhaqannadan oo dhami ay saamayn ku yeelan doonaan sixidda suuraxumayntii laga faafiyey Islaamka iyo muslimiinta, ee ay reer Galbeedku suuqgeeyeen ayaga oo ku eedaynaya argagaxiso iyo dumar silcin.

3. Marka aad qiyamkaaga ku fara’adaygtid dadka kale waxay ku gowracanyihiin inay ku xushmeeyaan.

Qadar waxay ku guulaysatahay maaraynta malafyo saqaafadeed oo aad xasaasi u ah, dadkii oodhan ayey xushmad ka kasbatay, waxay ka dabbaalatay dacaayadihii laga fidiyey maalmihii koobka ka horreeyey, si Qadar loogu sandulleeyo inay aqbasho falfal xumada Galbeedka ee ka dhanka ah Islaamka, sida khaniisnimada. Warbaahintii Galbeedka –siiba Faransiis iyo Jarmal– ayaa qaylo afka furtay, ayaga oo Qadar ku dhaleecaynaya inay diidday wax kasta oo qiyamka Islaamka liddi ku ah, se  rogaal celintii warbaahineed ee Qadar oo ahaa mid si heersare ah u abaabulan ayaa afka ciidda u dartay.

Marka aad dhaqankaaga iyo hiddahaaga ku dhaadatid, dunida aad tustid inaad loollan u diyaarsantahay, ilbaxnimadana aad geydid, markaa cid kastana waxaad ku sandullayn inay kuu sarakacaan.

4. Is qaadqaadka Galbeedka iyo laba-wajiilanimadooda.

Intii koobku socday reer Galbeedku waxay muujiyeen munaafaqaddii ay qarsanayeen, waxay caddaysteen laba-wajiilanimadoodii ay ku salaysnayd siyaasaddooda, geeddisocodkooda iyo aydalajiyadooda. Si gaar ah arrimaha la xiriira xuuquuqda aadanaha, qaxootiga iyo dadka loo awood sheegto. Waayo-aragnimada taarikheed waxay caddaysay in dowladaha galbeedku ay arrimahan ku rakaateeyaan xukuumadaha kalitaliska ah ee dowladaha dunida saddexaad, waxay iska indhotiraan gaboodfalladooda iyo xadgudubka ay xuquuqda dadka u gaystaan, xabsiyada ay dadka ku jirdilaan iyo doorashooyinka ay ku shubtaan, ayaga oo quuddaraynaya inay u fuliyaan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee Galbeedka.

5. Dhacdo jaad-gooni ah

Kubbad lugaha lagu laadayo oo madaxa lagu jeestaynayo ayaa noqotay buundo bulshooyinka isku xidha oo isu soo dhawaysa, bal’e koobka Qadar wuxuu beeniyey walwalkii laga qabay inuu saamayn weyn yeesho oo malaayiin dad ah ay taxmaan. Koobku wuxuu kusoo beegmay sanooyin lala dalaalaa dhacayey go’doon, Cabsi, iyo barakac ah, laga soo billaabo dhibaatadii Karoonaha ee dunidoo dhan halakaysay ilaa dagaaalkii Yukrayn oo Yurub gaarsiiyey waxyeello bulsheed iyo mid dhaqaale, iyo barakicin daafaha dunida oo dhan ah.

Kubadda cagta oo lagu tiriyo ciyaaraha ugu shacbiyadda badan waxa ay nafis iyo naruuro u noqotay dad badan oo karoonuhu kadeeday dagaalkuna daashaday. Kubaddu waxa ay dadka dareensiiyey inay dunida degganaansho u horseedi karaan haddii ay la yimaadaan doonitaan dhab ah, oo tixgeliyaan kala duwanaanshaha saqaafadeed iyo sawrac, waayo la noolaanshaha xusuusta shaqomaalmeedka ee aan  xiisaha iyo xaladda lahayn waxaa laga doorbiday daawashada kubadda buuqa iyo raaxadu isku qoofalanyihiin. Markii uu koobku billow wararkii dhiillada xambaarsanaa ee isa soo tarayey waxaa qariyey daawashada bardoodanka ciyaaraha, buuqooda, u dabbaaldegga guulasha iyo boorar mideeyey saqaafada aadanaha, Qadar waxa ay ku hanatay guul iyo sharaf.

6. Koob midabyo badan

Ololayaasha majarahabaabinta ee ay caadaysteen reer Galbeed waxaa harqiyey muuqaallo farxad iyo raynrayn miiran ooy daawanayeen malaayiin dad ah, muuqalladani waxay baddaleen suuraddii xumayd ee muslimiinta laga aaminsanaa, waxay ka muujiyeen sida islaamku uu u oggolyahay kala duwanaanshaha basharka, wada-noolaashahooda iyo tixgelinta saqaafada, sawraca iyo sooyaalka dad kale. Jamaahiirtii taageerasha ahaa waxay la amakaageen dacaayadihii naca iyo xagjirnimada islaamka ku durayey ee ay fididnayeen dalal tixgelinta xoriyadda hadalka ku faana sida Faransiiska iyo Jarmal. Xulkii Jarmalka oo xagjiraddii Naasiyiinta horey u taageeray ayaa hadda soo rogaalceliyey, ayagu ma ay cambaarayn xasuuqa reer Falastiin iyo Boorma lagu hayo balse waxay goosteen inay ciideeyaan farxadda malaayiin dad ah oo koob adduunka ku faakihaysanayey. Waxay is illowsiiyey haybsooca ay Laybaraaliyadda cusub Yurub ka hirgalinayso, qolyahan haybsoocoodan aan anshax iyo bini-aadannimo lahayn uma suuragelinnin inay hal kursi ka helaan doorashooyinka, waxayse buuq ku fureen darbiyo lagu dhisay siyaasad toolmoon iyo qorshe laga baaraan-degay oo ay dowladda Qadar Koobkan ka lahayd.

Haddii aad ciyaartooy tahay hor iyo dambeetaba waa inaad qofka kaa aragti duwan tixgalisid; in aad guuldarrada oggolaatid waa sharaf, haddaba ka warran koob dhan oo malaayiin dad ahi daawanayaan, in koobka dhul carbeed dhexdiis looga sacabba tumo waa riyo lagu taamayey oo rumowday. Koobkan, inkasta oo  Qadar lagu dhaliilay qaabkay koobka u agaasimeen,  haddana waxaa jirta run aan la beenin karin oo ah in koobkani si walba uu kuwii hore uga sitay, koobkani wuxuu abuuray saaxad ka maran miinooyiinkii ay reer Galbeedku Islaamka u dhigeen, wuxuu si dhab ah u qeexay xaqiiqada qofka Muslimka ah.

W/D: Mohamed Geelle siciid

W/T: Maxamed Shaaxuur

Tixraaca iyo xuquuqda:

Jariiradda Al-wadan

Jariiradda Al-sharq

Mudawiinaatka Aljazeera

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments