Shir-madaxeedka Mareykanka & Afrika ayaa galabta ka furmaya Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka.
Ku dhawaad 50 hoggaamiye oo Afrikaan ah ayaa la filayaa inay ku biiraan shirar xiriir ah oo socon doona 13-ka ilaa 15-ka December.
Qaaradda oo saameynteeda juquraafiyadeed ay si weyn u korortay tobankii sano ee la soo dhaafay, kadib xiriirka Qaaradda ee Ruushka & Shiinaha.
Waxaana la filayaa in saddexda maalmood ee Shirku socdo inuu ka koobnaan doono shirar heer sare ah, hindiseyaal cusub iyo heshiisyo ganacsi, Hindise dhaqaale oo cusub, Horumarinta nabadda, amniga, iyo maamul wanaagga, Xoojinta dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, iyo bulshada rayidka ah, sugnaanta cuntada (Food Secuirity), dhibaatada isbeddelka cimilada (Climate Change), xiriirka qurbajoogta & Horumarinta waxbarashada.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu Afrika ka taageeri doono xubinnimada Midowga Afrika ee G-20, labaatanka wadan ee dhaqaalaha ugu waaweyn caalamka, Koonfur Afrika ayaa hadda ah xubinta keliya ee Afrikaanka ah ee G20.
Wax badan ayaa isbedelay tan iyo shirkii ugu horeeyay ee Maraykanka iyo Afrika, oo uu martigeliyay Madaxweyne Barack Obama 2014.
Loolanka caalamiga ah ee danaha militari, ganacsi iyo diblumaasiyadeed ee Afrika, oo ay in muddo ah kaga saameyn badnaayeen Shiinaha, ayaa sii ballaartay sannadihii u dambeeyay oo ay ku jiraan quwado kale sida Ruushka, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.
Ganacsiga Shiinaha ee Afrika ayaa sii waday inuu kordho isagoo ku dhuftey rikoorkii ugu sarreeyay sannadkii hore ee $261 bilyan – sidoo kale deymaha wadamada Afrika ee Shiinaha ayaa kordhay. Taas bedelkeeda, ganacsigii Mareykanka ee Afrika wuxuu hoos ugu dhacay $64 bilyan – oo u dhigma 1.1 boqolkiiba ganacsiga caalamiga ah ee Mareykanka.
Ruushku ayaa noqonaya kan ugu weyn ee hubka ka iibsada qaarada waxa uuna cudud muuqata ka noqday qaarada.
Turkiga waxa uu dhistay tobanaan safaaradood oo cusub, shirkadaha Turkiguna waxa ay ku hawlan yihiin sidii ay u dhisi lahaayeen garoomo diyaaradeed, masaajido, isbitaallo iyo garoomada ciyaaraha sida Soomaaliya oo kamid ah dalalka aad uga faa’iideysanaya.
U.A.E. waxa ay dekedo ka dhisatay badda cas, waxa ayna Itoobiya u keentay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.
Arrimaha muddada dheer ragaadiyay horumarka Afrika ayaa weli ah; faqriga, colaadaha, macaluusha khatarta ah iyo musuqmaasuqa. Laakiin qaarada ayaa sidoo kale leh awoodo badan oo cusub oo soo jiidanaya quwado shisheeye.
Dadka Afrika waxaa la saadaalinayaa inay laban laabmi doonaan sannadka 2050, markaas oo qaaraddu ay ku xisaabtami doonto rubuc ka mid ah dadka dunida – oo suurtogal ah suuq weyn.
Kaydka wayn ee macdanta naadirka ah ee Afrika ayaa loo baahan doonaa si loo xoojiyo baabuurta mustaqbalka.
Dhinacyada Teknolojiyadda & warshadaha filimada ee qaaradda ayaa sii kordhaya gaar ahaan dalalka Nigeria & Kenya.
Mas’uuliyiinta Maraykanku waxay sheegeen in shirka uu ka soo muuqan doono heshiisyo ganacsi oo xiriir oo u dhexeeya shirkadaha Afrikaanka iyo Maraykanka, iyo hindise lagu kobcinayo “dhaqaalaha dhijitaalka ah” ee qaaradda.
Madaxweyne Biden wuxuu ku dhawaaqi doonaa taageerada Mareykanka ee kursiga Midowga Afrika ee G20, iyo sidoo kale matalaadda weyn ee Afrika ee hay’adaha caalamiga ah sida IMF & WORLD BANK.
The New York Times, ayaa saadaalisay in “dhaqaalaha hawada sare” ee Afrika uu kori doono 30 boqolkiiba 2024 taas oo fursad u ah Maraykanka inuu ka caawiyo tiknoolajiyada si loo xalliyo dhibaatooyinka la xiriira isbedelka cimilada, beeraha, amniga iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.
Judd Devermont, oo ah agaasimaha sare ee arrimaha Afrika ee Golaha Amniga Qaranka, ayaa yiri “Waa la soo dhaafey markii Afrika ay kuraas joogto ah uun ay ku laheyd miiska qaramada midoobay”
“Waxaan u baahanahay codad badan oo Afrikaan ah oo ku saabsan wada-hadallada caalamiga ah ee khuseeya dhaqaalaha adduunka, dimuqraadiyadda iyo maamulka, isbeddelka cimilada, caafimaadka iyo amniga,” ayuu yiri Devermont.
Maamulka Biden ayaa taageeray doorka dublamaasiyadeed ee Midowga Afrika, waxaana uu xiriir diirran la yeeshay Guddoomiyaha hadda ee ururka, madaxweynaha Senegal Macky Sall, oo la filayo inuu ka qeyb galo shir madaxeedka Washington.
Indonesia oo martigelisay ayaa ku casuuntay Sall in uu ka qayb qaato shirkii ugu dambeeyay ee G20 bishii hore ee ka dhacay Bali.
“Marka aan hadlayno, inta badan nalama dhegeysto, nalama tixgeliyo, xiisana nalama siiyo,” Madaxweynaha Senegal, Macky Sall, oo ah madaxweynaha Midowga Afrika oo wareysi bixinaya ayaa yiri. “Tani waa waxa aan dooneyno inaan bedelno. Qofna yuusan na odhan maya, ha la shaqayn hebel iyo hebel, ee nala shaqee. Waxaan dooneynaa inaan la shaqeyno oo aan la ganacsano cid walba.
Shirka ayaa war-murtiyeed lagasoo saari doonaa, iyadoo la filayo in xoogga la saaro Hindisayaal Dhaqaale oo cusub oo isha lagu hayo.
The Daily Somalia
DailySomalia.com