Wednesday, September 18, 2024
HomeNewsMaxay ku Heshiiyeen Soomaaliya & Kenya?.

Maxay ku Heshiiyeen Soomaaliya & Kenya?.

Nairobi, Luulyo 15. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku marayay safarro ayaa saaka u Amba-baxay dalka Kenya ka dib casuumaad uu ka helay Madaxwayne Uhuru Kenyata.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuro Kenyata la yeeshay wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal oo sanadihii dambe xumaa.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa war-mrtiyeed wadajir ah kasoo saaray wada-hadallo ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Labada Dal ayaa ku heshiiyay 11 Qodob, Qodobadaasi ayaa waxaa ugu weyn in labada madaxweyne ay dib u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay dagaalka ka danka ah argagixisada, si loo xaqiijiyo guul laga gaaro, waxayna fareen hay’adaha amniga labada dal inay isku xiraan dedaalladooda ku aadan dagaalkan, si loo xaqiijiyo amniga iyo ilaalinta muwaadiniinta labada dal.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada madaxweyne ay isku raaceen in dib loo billaabo duulimaadka shirkadda Kenya Airways ee Muqdisho sida ugu dhaqsiyaha badan, si waafqsan Heshiiska Adeegga Hawada ee Labada Dal ee loo yaqaan BASA, kaasi oo dib u eegis lagu sameyn doono.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa sidoo kale isku raacay in la fududeeyo sarena loo qaado iskaashiga ganacsi ee labada dal, ayada oo Soomaaliya loo furay inay suuqyada Kenya u dhoofiso kalluunka, halka Kenya ay dib u bilaabeyso dhoofinta Qaadkii la gayn jiray Soomaaliya, sida ugu dhakhsaha badan.

Kenya ayaa sidoo kale ogolaatay in mas’uuliyiinta wata Baasaboorka Diblomaasiga iyo kan Addeega dadweyne (Service) ee Soomaaliya ay Visa-ha Kenya ku helaan 48 saac gudahood marka ay ka codsadaan online, laguna siiyo garoonka, ayada oo aan wax lacag ah laga qaadin.

Waxay sidoo kale labada Madaxweyne hoosta ka xariiqeen in dadka wata Baasaboorka shacabka ee Soomaaliya si deg deg ah ay Visa-ha Kenya ku helaan, ayada oo la doorbidiyo in lagu siiyo 10 maalmood gudahood.

Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale isku raacay in dib loo furo xuduudda labada dal si loo fududeeyo dhaq-dhaqaaqyada shacabka labada dal loona xoojiyo gacansiga badeecadaha ee ka dhaxeeya labada dal.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale faray guddiga wada-jirka ah ee labada dal ee (JCC) inay ku kulmaan Muqdisho bisha August, si ay uga wada-hadlaan isugna raacaan arrimaha danta ay ugu wadajirto labada dal, sida dhaq-dhaqaaqyada amni, waxbarashada, beeraha, ganacsiga, is-dhaafsiga xogta sirdoon, caafimaadka iyo tabararada dhinacyada kala duwan.

Safarkan ayaa noqonaya safarkiisa afaraad oo dibadda ah tan iyo markii xilka loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments