Laamaha Amniga ee Gobolka Mudug ayaa soo qabtay dad ku eedaysan Dilka Nabaddoon can ka ahaa Gobolka Mudug, Nabaddoonkaas oo Magaciisa la yiraahdo Nabaddoon Cabdiqani Xasan Walloore ayaa can ku ahaa arrimaha nabadeynta Gobolka Mudug,
Dilka Nabaddoonka ayaa waxaa ka soo wareegtay muddo bil ah ila hadana wali lama caddayn cidii ku lugta lahayd dilka Marxuumka, Marxuum Nabadoon Walloore ayaa lagu dilay banaanka hore ee masjid Macmuur ee xaafadda Garsoor ee Magaalada Galkacyo.