Wednesday, September 18, 2024
HomeNewsRaysal wasaaraha Soomaliya oo awaamiir kusoo rogay golihiisa wasiiradda.

Raysal wasaaraha Soomaliya oo awaamiir kusoo rogay golihiisa wasiiradda.

Muqdisho (dailysomalia) – Raysal wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa golihiisa wasiiradda ka mamnuucay inay shaqo joojin ku sameeyyaan masuuliyiinta xafiisyadooda, iyadoo aan loo marin dastuurka iyo sharciga shaqaalaha dalka.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay inay muhiim tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha dowladda iyo ku dhaqanka sharuucda dalka, wuxuuna golihiisa wasiiradda faray inay la tashi kala sameeyaan tallaabo kaste oo arrintaan ku saabsan.

Go’aanka raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo beegmay, iyadoo dalka ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana shaqaale badan oo dowladdii hore lasoo shaqeeyay ay cabsi ka qabaan inay shaqadooda ku weyn karaan isbeddelka siyaasadeed ee uu dalku galay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments