Saraakiisha reer Galbeedka ayaa “si sii kordhaysa uga walaacsan” in Turkiga, oo ah dal xubin ka ah xulafada NATO una sharraxan Midowga Yurub, ay sii xoojinayaan iskaashiga ay la leeyihiin Ruushka, sida ay qortay Financial Times.
Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa dhowaan kasoo laabtay magaalada Sochi isagoo wacad ku maray inuu sare u qaadi doono ganacsiga uu Ruushka la leeyahay kaddib wadahadal uu la yeeshay Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin.
Lix sarkaal oo reer Galbeed ah oo aan la magacaabin ayaa wargayska u sheegay inay “ka walaacsan yihiin” qorshayaasha Ruushka iyo Turkiga ee ah inay iska kaashadaan ganacsiga iyo tamarta, sida ay sheegeen.
Mid ka mid ah saraakiisha Midowga Yurub ayaa tilmaamay in Brussels ay isha ku haysey xiriirka ka dhexeeya Ankara iyo Moscow “si aad iyo aad u dhow”, marka la eego sida uu Turkigu ugu sii muuqanayo inuu noqdo “maxaddo ay sii kordhayso” in ganacsi lagula yeesho Ruushka.
Kaddib kulan afar saacadood qaatay oo uu la qaatay Putin Jimcihii, Erdogan ayaa soo dhoweeyay doorka Ruushka ee dhismaha wershad tamarta nukliyeerka ah oo ay dhisanayaan Turkigu.
Labada dal waxay higsanayaan ganacsi laba geesood ah oo gaaraya $100 bilyan oo Doollar, waxayna iska kaashanayaan kahortagga argagixisada, nabadda Liibiya iyo Suuriya.
Putin ayaa ballanqaaday in Ruushku uu Turkiga siin doono saliid, gaas iyo dhuxul-dhagax “iyadoon ka kala go’aynin,” kaddib markii labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen in Ankara ay ku bixiso qaar ka mid ah gaaskan lacagta Ruble-ka.
Sarkaal kale ayaa u sheegay wargayska in hab-dhaqanka Erdogan uu yahay mid “qaab fursad gaad leh,” isaga oo intaa ku daray “waxaan isku dayaynaa inaan Turkiga garansiinno inay fiiro gaar ah u yeeshaan walaacayadeenna”.