Tuesday, May 21, 2024
HomeEditorialREER SSC GOB LA HAGRADAY IYANA IS HAGRATAY!

REER SSC GOB LA HAGRADAY IYANA IS HAGRATAY!

Waxaan hubaa inaad ka mid tihiin Dadyowga Soomaalida ugu qiimaha iyo gobanimada badan Waxaad hormuud ka noqoteen halgankii dhulka Soomalida ee xorta ah lagaga kiciyey Gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga oo naf iyo maalba u hurteen.

Waxaan Qirayaa in ka hor asaaskii Puntland 1998 aanay jirin hal taako oo ka mid ah degaanadiina oo cid kale idinka haysatay ama idinku maamulaysay.

Waxaan Qiraya inaad isku halayseen asaaskii Maamulka Puntland oo sida heshiiska iyo dawladnimaduba ahayd aad ku wareejiseen wax walba oo uu ku jiro illaalada degaamadiinu.

Waxaan Garowsanahay in madaxdii kala duwanayd ee Puntland iyo kuwa kasoo jeeday degaanadda SSC oo aan Anigu ka mid ahay idin hagradeen walow ay iyaga laftigoodu is dhaameen.

Waxaan qirayaa in shacabka Puntland yihiin dad si dhab ah idiin jecel balse laga hor istaagay qaabkii aad isu kaashan lahaydeen, welina diyaar idiin yihiin. Khilaafaadkiina, iyo tafaraaruqiinu wuxuu qayb ka noqday in aad weydaan 80% sharaftiina iyo dhaxalkii awoowayaashiin idiinka dhinteen kaas oo ah dhulkiinii oo Degaanka Boocame ugu danbeysay.

Madaxda Dawladda Dhexe Ee Soomaaliya idinkuma tixgeliyaan doorkii aad xoriyadda ku lahaydeen iyo jacaylka aad u qabtaan midnimadda iyo wadajirka Soomaaliya.

Waxaa jirtay in aad isku daydeen dhismaha maamulo (SSC. KHAATUMO) aad u arkayseen in ay soo celin karaan Rajadiina iyo dhaxalkii awoowayaashiin balse siyaasado gaar ahi idinka faromaroojiyeen ugu danbayntiina la fashiliyey ama lagu fuliyey ujeediiyin lid ku ah kuwii aad u samaysateen.

Maanta waxaad dhaxalkiinii iyo sharaftiinii ka haysataan Buuhoodle iyo degaano yar oo faro ku tiris ah, Waxaan bogaadinayaa shacabka buuhoodle oo ilaalinta sharafta iyo dhaxalkaas naf iyo maalma u huray balse ay ku socdaan shirqoolo iyo furfur la isaga horkeenayo dadka degaanka.

Reer SSC waxaan idin leeyahay ha quusanina weli waa gaadhi kartaan ujeedkiina, halays cafiyo, hana la midoobo.

Taariikhda halgamada lagu guulaysto dib haloo raaco. Waxay ila tahay in dadka kasoo jeeda Degaanada SSC ee wakhtigan masuuliyadaha ka haya DFS iyo Puntland ay la gudboon tahay in ay danaha dadkooda iyo degaanadooda ay metelaan si gaar ah uga shaqeeyaan una midoobaan, Isla markaana taageeraan dhaqdhaqaaqyada halganka socda.

Sidoo kale shacabka kale ee Puntland waxaan ku boorinayaa in ay indhaha ka fiirsan xaaladaha degaamadas Wixii ay ku biirin karaan Talo, Cudud Dhaqaale iyo Ciidanba Ay ku Biiriyan Dadka Reer SSC .Alle Ayaa Mahad Leh Waxa aan Idin Raajeynaya Guulo Aan Dhamaad Laheyn idimka Alle.

W/Qoray: Xildhibaan Cabdi Qowdhan Warsame, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments