Hordhac:
Madaxweynaha Dawladda Federalka ee Somalia Xassan Shiikh maxamud ayaa warsaxaafadeedkii uu ka jeediyey shirka midawga Africa 17/2/2o24 wuxu ku sheegay inay Itoobiya ku kacday fal sharci darro ah oo ay ku qaybinayso dadka iyo dalka somalia. Kadib heshiiskii is Afgarad ee ay la gashay somalimad, kaas oo xadgudub ku ah madax banaanida dalka Somalia iyo midda xududeed ( territorial integrity of sovereignty). Ayna si sharci darro ah ku doonayso helitaanka badda iyo xeebaha Somaaliya. Taas oo ay ka dhalan karto cawaaqib xun oo saamayn ku yeelan kara xiriirka labada dal gaar ahaan iyo midka midawga Africa guud ahaan.
Intaas kadib madaxweynuhu waxuu sheegay somaliya inay u ogoshahay Itoobiya kaliya hababka 16 wadan oo ka mid ah wadamada Africa ee aan badda lahayn si ay u helaan gaaritaanka badda.( Access to sea). Sida Kenya- Tanzania IWM.
“Haddaba waa maxay barnaamijka ku biiridda badda ee wadamada aan badda lahayn?(ACCESSION TO SEA)
Ku biiritaanka baddu (access to sea) waa hab wadamada aan badda lahayn xaq u siinaya inay dhistaan ama kor ugu qaadaan marinkooda iyo isku xirka marinnada ganacsiga badda iyo dekedaha. Waddamada aan bad lahayn waa kuwa juqraafi ahaan ku hareeraysan dhulka oo aan si toos ah u marin badda.
Sidaas darteed, Marka waddan aan bad lahayn uu rabo inuu helo bad, caadi ahaan waxa lagama maarmaan ah la gorgortanka heshiisyada wadamada deriska ah ee xeebaha leh si loo sugo xuquuqaha gaadiidka loona sameeyo waddooyin gaadiid. Dalka aan badda lahayn ayaa laga doonayaa inuu raadsado isticmaalka kaabayaasha jira, sida waddooyinka, tareenada, dhuumaha iyo inay ka xaajoodaan dhismaha isku xirka gaadiidka si loo gaaro deked xeebeed. Heshiisyadani waxay inta badan dabooli Karaan dhawr arrimood oo muhiim u ah:
1. Helitaanka xuquuq ku-meel-gaar ah: Dalka aan badda lahayni waxa uu heli karaa xaq ku meel gaar ah si badeecadaha, iyo dadku uga helaan dalalka deriska hab ay u adeegsada badda. Tan badanaa waxaa ka mid ah samaynta waddooyin ku-meel-gaar ah iyo dammaanad qaadka xorriyadda gaadiidka iyada oo aan dib-u-dhac iyo xannibaadyo lahayn.
2. Kastamyada iyo hababka xuduudaha:
Dalka aan bad lahayn iyo wadamada xeebuhu waxay sameeysan karaan kastam iyo habraacyo xuduudeed si ay u fududeeyaan isu socodka badeecadaha, iyaga oo ka fogaanaya dib-u-dhacyo ku yimaada isu socodka.
3. Kaabayaasha gaadiidka:
Dalka aan badda lahayn waxa uu ka gorgortami karaa dhismaha, tayeynta, ama dayactirka kaabayaasha gaadiidka, sida waddooyinka, tareenada, buundooyinka, ama dhuumaha, si loo hubiyo in si hufan loogu xiro dekedda xeebta.
4. Gelitaanka Dekedda iyo kazoo bixidda:
Waxaa loo baahanyahay in heshiisyo la galo si loo sugo gelitaanka waddanka aan badda lahayn ee deked ama dekad xeebeed gaar ah. Taas oo keeni karta isticmaalka qalabyada dekedaha jira ama samaynta terminal u gaar ah dekedaha si uu u maareeyo ganacsigiisa dalka aan badda lahayn.
Saldhigyada sharci ee caalamiga ah ee ku biiridda badda ( legal basis of accession to sea)
Waxaa jira saldhigyo sharci oo caalami ah ee ku saabsan xuquqda wadamada soo koraya ee aan badda lahayn si ay u biiraan badda. Qaab-dhismeedka sharci ee ugu horreeya ee arrintan ka hadlayaa waa Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS), kaas oo la ansixiyay 1982 wuxuuna dhaqan galay 1994. UNCLOS waxuu dejiyey xuquuqda iyo waajibaadka ummadaha ee la xiriira badaha adduunka. oo ay ku jiraan qodobbo si gaar ah uga hadlaya walaaca dalalka aan badda lahayn.
Sida uu qeexayo UNCLOS, wadamada soo koraya ee bad la’aanta ahi waxaa la siiyay xaq helotaan ka badda ah . Qodobka 125 ee UNCLOS waxa uu aqoonsan yahay muhiimada ay leedahay in la hubiyo xoriyada gaadiidka ee dawladaha aan badda lahayn, waxaanu dammaanad qaadayaa xuquuqdooda gelitaanka iyo ka soo noqoshada badda. Waxa uu dhigayaa in dalalka aan badda lahayni ay xaq u leeyihiin in ay si siman uga qayb qaataan ka faa’iidaysiga iyo horumarinta khayraadka ku jira badda iyo sagxadda badda iyo dhulka hoostiisaba, kana baxsan xadka awoodda qaranka.
Marka laga soo tago UNCLOS, waxaa jira heshiisyo kale oo caalami ah iyo qaraarro sharci oo siinaya taageero dheeraad ah xuquuqda dalalka aan badda lahayn. Tusaale ahaan, barnaamijka Vienna ee waxqabadka dalalka soo koraya ee aan bad lahayn ee tobankii sano ee 2014-2024 waxaa ansixiyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 2014. Barnaamijkan wuxuu ujeedkiisu yahay in uu wax ka qabto baahiyaha gaarka ah iyo caqabadaha soo wajaha wadamada soo koraya ee aan badda lahayn. Gaar ahaan, gaadiidka , fududaynta ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo tallaabooyinka taageerada caalamiga ah.
Intaa waxaa dheer, heshiisyada gobolka iyo ururadu waxay sidoo kale siyeen qaabab sharci oo dheeraad ah oo loogu talagalay wadamada aan badda lahayn si ay u galaan ugana soo baxaan badda. Tusaale ahaan, Barnaamijka Waxqabadka Almaty, ee la ansixiyay 2003, wuxuu diiradda saarayaa iskaashiga gaadiidka taraafikada ee ka dhexeeya waddamada soo koraya ee aan badda lahayn.
Guud ahaan, iyadoo aasaaska sharciga ah ee xuquuqaha dalalka soo koraya ee aan badda lahayn ay ku heli karaan soo gelitaanka badda, fulinta dhabta ah ee xuquuqahaasi waa ay kala duwanaan karaan. Marka laga eego dhanka caqabadaha dhinaca kaabayaasha, habaynta gaadiidka, iyo iskaashiga dalalka waxaana dhici karta in wadama deriska ah ay weli sii jiraan caqabadahaas.
Gunaanad:
Helidda badda ayaa inta badan ku lug yeelan karta in la helo gorgortan diblumaasiyadeed, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga gobolka si loo sameeyo isku xirka gaadiidka iyo dib u soo celinta isku xirnaanta badda. Waxay kaloo u baahan kartaa xallinta khilaafaadka siyaasadeed, dhisidda dekedo ama terminal cusub, iyo sugidda xuquuqaha socdaalka ee waddamada deriska ah.
Si kastaba ha ahaatee, ku biiritaanka wadamada aan badda lahayn ee ku biiraya kana soo dagaya badda waa geedi socod qalafsan oo u baahan dadaal diblumaasiyadeed, maalgashi kaabayaal dhaqaale iyo iskaashi goboleed si loo hubiyo in si hufan oo la isku hallayn karo loona helo marinka ganacsiga badda iyo dekedaha.
Garyaqaan Cabdifatax Maxamed Warsame.
Falanqeeye Arimaha siyaasadda iyo sharciga, bare sare iyo u dhadhaaqe arrimaha bulshada