Tuesday, May 21, 2024
HomeNewsCirro " Haddii 13 November Doorasho qabsoomi weydo Kursigu wuu inoo siman...

Cirro ” Haddii 13 November Doorasho qabsoomi weydo Kursigu wuu inoo siman yahay Muuse Biixi”

Guddoomiyaha Ururka Mucaaradka ah ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa saaka shir saxaafadeed uu ku qabtay Hargeisa uga digay Madaxweyne Muuse Biixi muddo kordhin uu sameysto.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa socday wada-hadallo u socday Xukuumadda Somaliland & Labada Xisbi Mucaarad ee Waddani & Ucid.

Wada-hadalada oo aan wax natiijo ah laga gaarin ayaa sidoo kale Cuqaal & Nabaddoonno isu xilqaameen iyaguna ku guuldarreystay in wax is faham ah laga gaaro Khilaafka Ururrada Mucaaradka & Xukuumadda.

Khilaafka u dhexeeya Mucaaradka & Xukuumadda ayaa salka ku haya Sharciga Doorashooyinka, Ururro furista & Waqtiga ay qabsoomayso Doorashada Madaxtooyada oo ku eg 13 November.

DailySomalia ayaa fahamsan in Madaxweyne Biixi uu doonayo muddo kordhin si uu u joojiyo furista Ururrada cusub, iyadoo durba Siyaasiyiin waaweyn au furteen Ururro sida Ururka Kaah oo uu Hoggaamiyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa ku dhawaaqay in Taageerayaashu Mucaaradku isu diyaariyaan Bannaan baxyo lagagasoo horjeedo muddo kordhinta Madaxtooyada.

Ciidammo tiro badan ayaa lasoo dhoobay waddooyinka Hal-bowlaha ah ee Hargeisa kadib shirkii jaraa’id ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments