Wednesday, September 18, 2024
HomeNewsMusharraxiinta Soomaalida ah oo wacdaro ka dhigaya doorashooyinka dhexe Mareykanka.

Musharraxiinta Soomaalida ah oo wacdaro ka dhigaya doorashooyinka dhexe Mareykanka.


Doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ee maanta dhacday ayaa musharrixiinta soomaalida ee u kala tartamayay xilal kala duwan oo heer degmo, gobol iyo Federaal waxay kasoo hoyeen guulo wax ku ool ah.

Gobolka soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota waxaa ka tartamay ilaa 12 musharrax, waxaana guuleystay 8 ka mid ah, kuwaas oo kala ah;

  • Ilhan Cumar oo markii saddexaad ku guleysatay doorashada kursiga degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka.
  • Cumar Faatax ayaa dib loogu soo doortay kursigiisii Aqalka Sare ee Senate-ka gobolka Minnesota.
  • Samakaab Xuseen ayaa loo doortay wakiill ka tirsan aqalka hoose ee gobolka Minnesota.
  • Maxamuud Nuur ayaa isna loo doortay wakiill ka tirsan aqalka hoose ee gobolka Minnesota.
  • Hodan Xasan ayaa iyadana loo doortay wakiill ka tirsan aqalka hoose ee gobolka Minnesota.
  • Zayban Maxamed ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali iyo madow ah oo ka mid noqota Aqalka Sare ee Senate-ka gobolka Minnesota. Waxay sidoo kale noqotay gabadhii ugu da’da yareyd ee ka mid noqota aqalkaas.
  • Fathia Feerayare iyo Cabdul Cabdi ayaa iyagana loo doortay guddiga iskuullada magaalada Minneapolis.

Gobolka Ohio;

Munira Abdullahi ayaa loo doortay wakiil ka tirsan golaha wakiillada gobolka Ohio.

Halka Ismail Mohamed isna loo doortay wakiil ka tirsan golaha wakiillada gobolka Ohio.

Maana Cabdi ayaa kasoo baxday doorashooyinkii lagu qabtay Magaalada Lewiston ee gobolka Maine.

Halka Deeqa Dhalac ay kasoo baxday Degmada Portland ee Gobolka Maine.

Deeqa ayaa horey u soo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo duq magaalo ka noqotay Mareykanka.

Soomaalida ayaa ka dhex muuqata Siyaasadda dalka Maraykanka, Musharaxiintan Soomaaliyeed ee guulaha ka gaaray doorashada horu dhaca ah ee ka dhacday gobolka Minnesota ayaa wajihi doona musharaxiinta mataleysa xisbiga Jamhuuriga ee iyana doorashada kusoo baxay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments