Tuesday, March 18, 2025
HomeEditorialHordhac: Xaaladda Suuriya iyo Oddoroska Mustaqbalka.

Hordhac: Xaaladda Suuriya iyo Oddoroska Mustaqbalka.

Dagaalka Suuriya, oo qarxay sanadkii 2011 kadib kacdoonkii ka dhashay dibadbaxyadii ka dhanka ahaa xukunka Bashaar al-Asad, wuxuu noqday mid ka mid ah colaadaha ugu adag ee gobolka. Inta lagu guda jiray dagaalkan, awoodaha caalamiga ah sida Ruushka, Iiraan, Xisbullah, iyo Turkiga ayaa mid walba door weyn ka ciyaaray. Ruushku wuxuu taageero militari siiyay xukuumadda Bashaar si ay ugu guulaystaan magaalooyin muhiim ah, halka Turkigu uu taageerayay mucaaradka Suuriya, gaar ahaan xagga militari iyo siyaasadba.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda Suuriya waxay maraysaa isbeddel muhiim ah kadib markii mucaaradka ay qaadeen weerarro cusub oo ay ku qabsadeen caasimadda, taasoo keentay in Bashaar al-Asad uu dalka ka cararo. Tani waxay ka dhalatay isbeddelada siyaasadeed iyo milateri ee afartii sano ee la soo dhaafay, iyadoo taageerayaashii Bashaar, sida Ruushka iyo Iiraan, ay ku mashquuleen colaado kale, gaar ahaan dagaalka Ukraine iyo xiisadaha Gaza.

Isbeddelada Mucaaradka Suuriya:

Dagaalka Suuriya wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo isugu jira dagaallo aad u xooggan iyo heshiisyo xabbad-joojin ah oo ku meel gaar ah. Afar sano kahor, heshiiskii Astana oo ay garwadeen ka ahaayeen Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga ayaa gacan ka geystay dejinta xasaradaha colaadeed ee gobollada waqooyiga iyo galbeedka Suuriya. Heshiiskaas wuxuu Turkiga siiyay awood dheeraad ah oo uu dib ugu habayn ku sameeyo kooxaha mucaaradka, taasoo keentay inay si adag u diyaariyaan hawlgalladooda ku wajahan xukuumadda Bashaar al-Asad.

Muhammed Al-Jawlani, oo ahaa hoggaamiye xagjir ah oo ka tirsan kooxaha salafiyiinta, ayaa dib u qaabeeyay kooxdiisa, isagoo isku muujiyay hoggaamiye siyaasadeed oo si wanaagsan ula jaanqaadi kara siyaasadaha gobolka. Turkigu wuxuu u arkayay in waqtiga Bashaar uu sii dhamaanayo, taas oo ku qasabtay inay taageeraan mucaaradka, si ay ugu guulaystaan inay xukunka xoog ku qabsadaan.

Qaybaha Mucaaradka Suuriya:

Mucaaradka Suuriya waxaa ka kooban ururo badan, kuwaas oo aan si buuxda u wada shaqeyn. Urur kasta waxa uu leeyahay hoggaamiye gaar ah iyo mabaadi’da uu aaminsan yahay. Qaar ka mid ah ururadaas ayaa si gaar ah diiradda u saaraya sidii loo beddeli lahaa xukunka Bashaar al-Asad, halka kuwa kalena ay ku fekeraan sidii dalka looga dhigi lahaa mid nidaamsan oo laga guuri lahaa sharciyada iyo dhaqannada Bashaar.
1. Jabhat al-Nusra (oo hadda loo yaqaan Hayat Tahrir al-Sham) Jabhat al-Nusra waxay ahayd urur xagjir ah oo ka tirsan Al-Qaeda, laakiin muddo ka dib waxay isku dayeen inay isku beddelaan urur si loo aqbalo dhammaan kooxaha mucaaradka ee Suuriya. Hayat Tahrir al-Sham waxa ay xoogga saartay sidii loo baabi’in lahaa maamulka Bashaar, iyadoo raacaysa mabaadi’da salafism-ka iyo wahhabism-ka. Waxaa madax ka ah Abu Mohammed al-Jawlani, oo horey uga mid ahaa Al-Qaeda. Ururku wuxuu ku tiirsan yahay taageero ka timaadda Turkiga iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta.
2. Faylaq al-Sham
Faylaq al-Sham waa urur mucaarad oo xoogga saaray sidii loo sameyn lahaa nidaam Islaami ah, iyadoo taageero ka hesha Turkiga. Ururkan wuxuu diiradda saaraya in mucaaradku qaataan xuquuqda ay leeyihiin isla markaana lagu dhiso Suuriya nidaam siyaasadeed Islaam ah, iyadoo aysan jirin faragelin ka timaadda dawladaha reer galbeedka.
3. SDF (Syrian Democratic Forces)
SDF, oo isugu jira kooxo Kurdiyiin ah iyo kooxo kale oo mucaarad, ayaa taageero ka helay Mareykanka. SDF waxay xoogga saartay in la xakameeyo gobollada waqooyi ee Suuriya ee ay ku nool yihiin Kurdiyiinta. Ururku wuxuu aaminsan yahay in Suuriya loo baahan yahay inay noqoto dowlad federal ah oo tixgelinaysa xuquuqda dhammaan kooxaha bulshada, oo ay ku jiraan Kurdiyiinta, Arabiyiinta, iyo kooxaha kale.
4. Jaysh al-Islam
Jaysh al-Islam waa urur kale oo mucaarad ah oo ka jira Suuriya, gaar ahaan Bariga Ghouta. Ururka ayaa xoogga saaraya in la dhiso dowlad Islaami ah, laakiin wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in awoodda siyaasadeed loo qaybiyo si cadaalad ah, iyadoo la raacayo mabaadi’da islaamka. Jaysh al-Islam waxaa ka go’an in ay iska caabiyaan xukunka Bashaar al-Asad.

Isku Dhaca iyo Qabsashada Caasimadda:

Bishii November 2024, mucaaradka Suuriya waxay qaadeen weerar lama filaan ah oo ka dhan ah magaalada Aleppo, taasoo ah mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee dalka. Weerarkan ayaa ahaa kii ugu weynaa tan iyo 2016, markii mucaaradka laga saaray qaybo badan oo ka mid ah magaalada. Mucaaradku waxay qorsheeyeen weerar “xaddidan” oo ay dib ugu soo celinayaan xuduudaha aagga hubka ka caaggan ee lagu heshiiyay. Laakiin markii ciidamada dowladda Bashaar ay bilaabeen inay ka sii baxaan goobahooda difaaca, mucaaradku waxay fursad u heleen inay qabsadaan magaalooyin badan oo ku teedsan caasimadda .

Weerarkan cusub waxa uu ku yimid xilli ay ciidamada taageerada siin jiray Bashaar, sida Ruushka iyo Iiraan, ku mashquulsanaayeen colaado kale. Ruushka wuxuu si weyn ugu mashquulsan yahay dagaalka Ukraine, halka Xisbullah iyo Iiraan ay dagaallo kala duwan ku jiraan gudaha Gaza iyo Israel. Tani waxay fursad siisay mucaaradka inay qaadaan dagaal cusub oo aan horay loo filayn.

Sababaha Mucaaradka ugu Guuleysteen:
1. Taageerada Turkiga: Turkigu wuxuu si cad u taageeray kooxaha mucaaradka, iyadoo ujeedkooda ugu weyn ay ahayd inay iska ilaaliyaan halista ka iman karta Kurdiyiinta ku sugan xuduudaha Suuriya. Taasi waxay ahayd siyaasad istaraatiiji ah oo ay ku doonayaan inay ku xakameeyaan gobollada xuduuda la leh Turkiga.
2. Dagaalada kale ee gobolka: Weerarkan mucaaradka waxa uu dhacay xilli ciidamada taageerada siin jiray Bashaar, sida Ruushka, Iiraan iyo Xisbullah, ay ku mashquulsanaayeen dagaallo kale. Ruushka ayaa ku qasban inuu xoogaa yar ka joojiyo taageeradiisa Suuriya maadaama uu ku mashquulsan yahay dagaalka Ukraine. Sidoo kale, Xisbullah iyo Iiraan ayaa ku mashquulsan iska horimaadyo ka dhacay Gaza iyo Israel, taas oo ciidamadii Suuriya ka dhigtay kuwa taag daran.
3. Diblomaasiyadda Daciifka Ah ee Ruushka: Inkastoo Ruushku uu horay u ahaa garwadeen muhiim ah oo dhinaca Bashaar al-Asad, haddana awooddiisa diblomaasiyadeed ayaa yaraatay, taasoo keentay in qorshihii isbeddelka xukunka ee Bashaar lagu guulaysan waayo. Qoraallo ka soo baxay Moscow waxay muujiyeen walaac ay ka qabaan qabsashada mucaaradka iyo in xal diblomaasiyadeed la gaaro.

Odoroska Mustaqbalka Suuriya:

Mustaqbal dalka suuriya waxa uu ku xirnaan doonaa sida ay xoogagga mucaaradka ee kala duwan ay u maareyn doonaan mideynta afkaaraha ay kala aaminsanyihiin.

Hadda sida muuqaata Kooxda Taxriir al-shaam ee uuu hoggaaminayo Jawlaani oo gacanta ku dhigay caasimadda Dimishiq waxa ay durba muujiyeen in ay qaab madani ah u maamuli doonaan marxaladda kumeel-gaarka ah, waxa ay durba magacaaabeen raiisil wasaare sidoo kale waxa ay shaqaalihii dawladda ugu baaqeen in ay shaqadooda wataan taasoo muujinaysa ifafaale wanaagsan oo dalku gali doono.

Waxaase wali jirta cabsida ah in dalku galo dagaal sokeeye oo kadib bixitaanka nidaamkii Bashaar Al-Asad uu dib dagaal uga qarxo jabhadihii dalka ka dagaalamayay.

Waxaa sidoo kale jirta wali su’aalo aan jawaab loo hayn oo ay kamid yihiin qaabka kurdiyiinta suuriya ay ula jaan qaadi doonaan waaga cusub ee dalka u baryay, waxaa kale oo wali aan cadayn tilaabada dawadda cusub ka qaadi doonto Kooxdii dalka haysatay oo u badnaa Calawiyiinta.

Sidee ayaa loo kala soocayaa Dambiilayaashii dalka dambiga ka galay iyo kooxihio kale ee nidaamkii hore ku daabnaa.

Waxaa iyana wali aan caddeyn kooxaha shisheeye ee dalka ku hardamayay oo iyana kala ujeedo ahaa sida Maraykanka, Turkiga iyo wadamada khalaiijka.

Iskusoo wada duuboo, way adagtahay in hadda laga jawaabo Nooca mustaqbal ee Dalka Suuriya sugaya waxaase muuqda ifafaalo wanaagsan.

W/Qoray; Saki Rabiica, Qoraa & Cilmi baare katirsan Machadka SIDRA.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments