Nairobi-Kenya: Soomaaliya & Kenya oo ku heshiiyay 16-kii July in dib loo Fasaxo Duulimaadyada Qaadka Kenya ee Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay garoonka Aadan Cadde kasoo degaan Diyaarado Qaad sida.
Ganacsatada Qaadka Miiraa ee Kenya oo la hadlay waraabhinta ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo ay ku beegan tahay 24 July ay bilaabayaan dhoofinta qaadka, waxaana la filayaa in diyaaradaha qaadka ay maanta si toos uga soo dagaan garoonka Aadan Cadde.
Sidoo kale ganacsatada ayaa u mahadceliyey labada dowladood ee ku heshiiyey dib u bilaabida qaadka oo muddo xayirnaa, kadib go’aan kasoo baxay dowladdii hore ee Farmajo.
Dhinaca kale waxaa weli taagan dood u dhexeyso ganacsada Soomaalida ee qaadka iyo shaqsiyaad ay ku eedeeyeen in loo diray keenista qaadka ka imaanaya dalka Kenya.
Wasiirka Beeraha Kenya ayaa dhankiisa farriin uusoo dhigay bartiisa Facebook wuxuu Ilaahay uga Mahad celiyay in Qaadkii Miirowgu saaka ka degayo Soomaaliya.
Tan & Intii khilaafka Siyaasadeed ee ay arrimaha Badda ka bilowday una dhexeeyay Kenya & Soomaaliya ayaa hakad ku jiray dhoofinta qaadka Kenya.
Soomaaliya ayaa Kenya u dhoofin doonta Kalluun sida lagu sheegay war-murtiyeedka la saxiixay 16-kii July inkastoo aan la sheegin waqtiga saxda ah ee soomaaliya dhoofin doonto Kalluunka.