Garoowe, Puntland – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 35, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Puntland ayaa Faysal Sheekh Cali (Jifo-Jabsade) u magacaabay Gudoomiyaha gobalka Mudug, masuulkan ayaa waxaa horey u magacaabay madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xiligaas oo Siciid Deni u tartamayey Jagada Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo keentay in Dikreetada Madaxweyne ku xigeenku shaqyeyn weydo, khilaaf hor lehna ka dhex abuurtay labada Mas’uul ee ugu sarreeya Puntland.
Daily Somalia ayaa dareensan Dib u magacaabidda Deni ee Faysal Jifo-jabsade ayaa muujineysa sida Deni iyo Karaash hadda ay heshiis u yihiin.
Faysal Sheekh Cali ayaan horey loogu baran arrimaha siyaasadda, waxaana uu ahaa muddooyinkii dambe Nabadoon u dhaq-dhaqaaqa arrimaha Gobolka Mudug.
Faysal ayaa beddelaya Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare oo horraantii sannadkan loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka Soomaaliya, isagoo lagu xusuusto dagaalkii adkaa ee uu la galay Argagaxisadii muddada Tobannaanka sano ah ka dhex jirtay Gobolka Mudug.