Arusha,Tanzania – Dawladda Soomaaliya ayaa olole xooggan u gashay sidii loo ansixin lahaa inay ku biirto ururka ay ku midaysan yihiin dalalka bariga Afrika ee loo yaqaano Bulshada Dalalka Bariga Afrika (East African Community).
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Caruusha ee dalka Tanzania kaga qaybgalay xiritaanka shir madaxeedka Ururka Wadamada Bariga Afrika (EAC). Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, shir madaxeedka ka dhacay magaalada Caruusha ayaa lagaga dooday codsiga rasmiga ah ee ay dawladda Soomaaliya u gudbisay ururkan, si ay xubin rasmi ah uga noqoto ururka EAC.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu kulan doceedyo la qaatay madaxda ka soo qaybgashay shirkan, isaga oo olole ugu jiray ansixinta codsiga dawladda Soomaaliya, wuxuuna la wadaagay madaxda uu la kulmay fursadaha dhaqaale iyo tan bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka ururka iyo saamaynta ay ku leeyihiin gobolka.
Waa markii seddexaad oo ay Soomaaliya gudbiso codsi la xiriira kamid noqoshada ururka Bulshada Bariga Afrika, laba jeer oo hore oo ay Soomaaliya codsatay xubunimada ururkaan mar duruufaheeda ammaanka ayaa la aaminsan yahay inay diidmadeeda sababeen marna Kenya ayaa la tuhunsan yahay inay riixday Soomaaliya maadaama uu jiray khilaaf labada dal ah.
Kadib shirkii Caruusha ee uu ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya warmurtiyeed ka soo baxay, madaxda wadamada EAC ayaa faray golaha wasiirada dalalkooda in ay u diyaar garoobaan howlgal xaqiijin ah oo Muqdisho lagu tagayo si loo ogaado in Soomaaliya diyaar u tahay ka mid noqoshada bulshada Bariga Afrika.
Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in markaan ay aad u dhowdahay rejada ah in Soomaaliya ay ku biirto Ururka Bulshada Bariga Afrika.