Tuesday, March 18, 2025
HomeNewsMadaxweyne Xasan Sheikh oo la Kulmay qaar kamid ah waalidiinta Ciidanka lagu...

Madaxweyne Xasan Sheikh oo la Kulmay qaar kamid ah waalidiinta Ciidanka lagu Tababarayo Eritrea

Khamiis, July 14, 2022 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay qaar ka mid ah waalidiinta ciidanka tababbarka u jooga dalka Ereteriya, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay uu ugu tegay booqasho uu xaaladdooda ugu kuurgelayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay xaaladda ciidamada Soomaalida ee lagu tababaray Eriteriya, xillii uu caawa la kulmay qaar kamid ah waalidiintooda ayaa sheegey in uu dalka ku soo celinayo, wuxuuna yiri “Waxaan la soo qaatay farxadda ciidda, aniga oo si dhow ugu kuur-galay noloshooda. Si ay waalidnimo ku dheehan tahay ayaan ula soo dardaarmay, waxaana ka shaqeeyey in ay idinla soo xiriiraan. Sidoo kale waxaan la xalliyey caqabado ku aaddan arrintaas aniga oo rajaynaya dhawaan in ay idin soo wacaan.”

Dhammaad.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments