Tuesday, March 18, 2025
HomeNewsMaxaabiis ku Xukuman Dil oo ka fakaday Saldhig ku yaalla Gaalkacyo oo...

Maxaabiis ku Xukuman Dil oo ka fakaday Saldhig ku yaalla Gaalkacyo oo aad loo ilaaliyo.

Sida ay ku warantay Warbaahinta ku hadasha Taliska Amniga Gobolka Mudug ee Puntland, Xasan Isaaq Maxamed, Maxamed Cali Maxamed (Istakin) & Liban Ciise Cali (Madaxkariye) oo kamid ahaa Alshabaabkii Galkacyo Dadka ku layn jirey ayaa xalay ka baxsaday Saldhig aad loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo

Maxaabiistan oo ku xirnaa qeybta Xukumayaasha ayaa jabsaday mid kamid ah qolalkii ay ku xirnaayeen.

7 kamid ah Maxaabiista xukunaa ee horey u qirtay in ay dilal ka geysteen magaalada Gaalkacyo ayaa baxsaday, sidaas oo kale Maxbuus ayay toogten ciidanku, halka midna dhaawacmay.

Saraakiisha Amnigu, waxay sheegayaan in ay qabteen Maxaabiistan isku dayday falkan, mase jiraan warar madax banaan oo dhacdada xaqiijinaya, xili Talisku sheegay in 3 baxsatay.

Taliska ayaa boggiisa Facebook soo dhigay Qofkii soo sheega Maxaabiista baxsatay inay siin doonaan abaal marin dhan Midkiiba $2.000 oo dollar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments