Tuesday, March 18, 2025
HomeNews Shiinaha ka hadley go’aanka ka soo baxay DF Soomaaliya?

 Shiinaha ka hadley go’aanka ka soo baxay DF Soomaaliya?

Muqdisho (Dailysomalia) – War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Shiinaha ee ay ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay go’aankii ay soo saartay dowladda federaalka ee Soomaaliya oo taageero buuxda siisay siyaasadda “Hal China”.

Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday in uu Soomaaliya uga mahadcelinayo garab istaaga ay u muujisay, wuxuuna soo dhaweeyey go’aanka ay Soomaaliya ka qaadatay arrinta Taiwan.

Sidoo kale waxaa qoraalka safaaradda ka soo baxey lagu sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhexeeyo xiriiir qoto dheer oo soo jireen ah.

“Dowladda Shiinaha ayaa si weyn ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ay soo saartay safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay dowladda Soomaaliya ay shaaca ka qaaday inay taageersan tahay madax bannaanida dhuleed iyo mida midnimo ee dalka Shiinaha.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku celineysa taageeradeeda xooggan ee ku aadan qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed, sharafta dhuleed iyo midniamda qaran ee Shiinaha, waxayna ku baaqeysaa in loo hoggaansamo qaraarada QM iyo Midowga Afrika ee quseeya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Si kastaba, Taiwan oo ka tirsan Shiinaha iyo Somaliland oo ka mid ah Soomaaliya ayaa sanadkii la soo dhaafay aas-aastay xiriir diblomaasiyadeed, ayada oo safaarado ka kala furtay magaalooyinka Hargeysa iyo Taipei, taasi oo ka careysiisay Muqdisho iyo Beijing.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments