Wednesday, September 18, 2024
HomeNewsWasiir Cabdi Siciid Oo Lagu Waayay Dambi Ah Inuu Amray Markab Dhuxul...

Wasiir Cabdi Siciid Oo Lagu Waayay Dambi Ah Inuu Amray Markab Dhuxul Ka Dhoofiyay Soomaaliya.

Muqdisho-Maxkamadda-sare ee dalka Cummaan ayaa markii u horreysay go’aan ka soo saartay markab siday dhuxul; kaas oo la sheegay in uu oggaalasho ka heystay Wasaaradda Arrimaha-dibedda Soomaaliya, arrin taasi oo dhalisay in shaqada laga joojiyo Wasiirka Arrimaha-dibedda Cabdisaciid Muuse.

Bilo kahor, maxkamadda hoose ee dalka Cumaan ayaa riday xukunkan, kadib markii saddex nin oo markabkan watay lagu eedeeyay dambi ah in ay wadeen dhuxul si sharci darro ah looga soo dhoofiyay Soomaaliya.

Go’aanka Maxkamadda ka soo baxay ayaa hadda lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha-dibedda Soomaaliya aysan ku lug-lahayn wax qalad ah, sidoo kale ma muujinin wax cadeyn ah oo tusinaya in markabku uu ogolaansho ka helay wasaaradda ama codsi loo gudbiyey hey’adaha ay khuseyso ee dawladda Cummaan si ay u si deyso markab kaas oo dhuxul siday, sida ku cad qaraarka maxkamada.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa bishii May ee sannadkan shaqada ka joojiyay wasiirka kadib markii lagu eedeeyay inuu fasaxay markab si sharci darro dhuxul uga dhoofiyay Soomaaliya oo lagu qabtay Cuman.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments