Tuesday, May 21, 2024
HomeEditorialSoomaalida Maxaa Faa'iido ugu jirta ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika?!

Soomaalida Maxaa Faa’iido ugu jirta ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika?!

Todobo dal oo deris la ah ama ku dhow Soomaliya, kuwaas oo kala ah: Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, DRC & South Sudan, ku biiristooda waxaynu ka faa’iidaynaa:
• Maalgashi xor ah.
• Ganacsi Xor ah.
• Isu socod xor ah.
• Shaqo helid badan.
• Daryeel caafimaad oo aan laga helin Somalia.
• Qaxootiga Somalida oo dalalkaas hadda jooga waxaa is bedelidoona “status” kooda.
• Waxaa aad kor ugu kacaya lacagta Soomaaliya loo soo diro (Remittances), waayo macaash badan bay Soomaalidu ka helidoontaa ka ganacsiga dalalka EAC.
• Waxaa kor u kacaya miisaanka Diblomaasiyadda Somalia ee Caalamka.
• Waxaa kor u kacaya maalgashiga Somalia gudaheeda.
• Waxaa aad kor ugu kacaya ardada wax ka barata Jaamacadaha dalalka EAC.
• Waxaa kor u kacaya amniga Somalia oo ka dhalanaya is-weydaarsiga xogta iyo isu hiilinta dalalka EAC.
• Waxaa shacabkeenu dareemi doonaan Faa’iidooyin hadda ka dhashay qaadista xayiraadaha xuduudaha sida shucuubta North America iyo Midowga Europe.
Isku soo duub; go’aankani waa taariikhi, waa Masiiri, waana dhaxal lagu xusuusan doono Madaxweyne Hassan Shiekh Mohamud.


Dahir Mire Jibreel Ph.D.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments