Tuesday, May 21, 2024
HomeNewsMadaxweynaha Puntland oo kulamo doceedyo la yeeshay Culumada & Ururrada Bulshada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo kulamo doceedyo la yeeshay Culumada & Ururrada Bulshada Puntland.

Garoowe: 14 July 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay wehliyaan Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ergeyga gaarka ah ee Abaaraha Madaxweynaha JFS Xildh. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame & Guddiga Abaaraha Puntland ayaa xalay kadib daah-furka Shirweynaha gurmadka Abaaraha, wuxuu Shir-doceed la yeeshay Culumada & Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa Culumada & Ururrada Bulshada kala hadlay kaalintooda ku aadan ka qeyb qaadashada gurmadka loo fidinayo dadka Abaaruhu saameeyeen, isagoo la wadaagay sida ay Dowladda uga go’antahay qorshaha gurmadka Abaaraha oo ay kawada qeyb qaadanayaan Dowladda, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Dawladda Puntland ayaa ku dhawaaqday Sanduuqa Abaaraha Puntland oo Madaxweynaha Puntland uu madasha daah-furka ka sheegay in Dawladda Puntland ay ku shubayso 1 Million oo Dollar.

Hay’adda Culumada Puntland.
Madaxda PUNSAA.
Madaxda MAP & TADAMUN.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments