Tuesday, May 21, 2024
HomeNewsMadaxweyne Deni "Waxaan ku dhawaaqaynaa Hal Million Dollar oo aan ku shubayno...

Madaxweyne Deni “Waxaan ku dhawaaqaynaa Hal Million Dollar oo aan ku shubayno Sanduuqa Abaaraha Puntland”

Garoowe, July 14, Madaxweynaha Dawladda Puntland oo daah-furay Shirweynaha Gurmadka Abaaraha Puntland ayaa kaga dhawaaqay yabooh lacag dhan Hal Million oo Dollar, Shirweynahan oo noociisa markii ugu horreysay lagu qabtay Puntland ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxda Puntland, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Abaaraha Cabdiraxman Cabdishakuur, Culumaa’uddiin, Ganacsato & Hay’ado maxalli ah & kuwa Caalami ahba.

Madaxweyne Deni ayaa xusay in Hay’adaha Fulinta loo daayo arrimaha gargaarka si aysan u dhicin is qab-qabsi ku aaddan arrimaha gargaarka.

Dhacdadii Bosaso ka dhacday ayuu Madaxweyne Deni ka Tacsiyeey isagoo dhacdadaas Nasiib darro laga baaqsan karay ku tilmaamay, wuxuu madasha ka sheegay in Dawladda Puntland aan lasoo wargelin, sidoo kale tii Garoowe la keenayna xilli dambe lasoo wargeliyay

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments