Mogadishu,July 14. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa heshiis buuxa la gaadhay Ajax kaddib wada-hadallo muddo u socday oo ay kaga doonayeen difaaca reer Argentine ee Lisandro Martinez, waxaana hadda loo diyaarinayaa laacibkan in uu tijaabada caafimaadka u maro Man United.
Tababarkii maanta ee Ajax ayaa laga fasaxay Lisandro Martinez si uu ugu duulo magaalada Manchester oo uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxdiisa cusub, isla markaana heshiiskiisa shaqsiga ah ula meel-dhigo, ka hor inta aanay labada kooxood ku dhawaaqin heshiiska ay gaadheen.
Ajax ayaa ogolaatay dalabkii Manchester United oo £46 milyan oo Gin, waxaana hadda kaliya la sugayaa inta ay labada kooxood dhamaystirayaan waxyaabo yaryar oo aan wax isbeddel ah ku keenayn heshiiskooda iyo inta uu Martinez marayo tijaabada caafimaadka.
Warbaahinta talkSPORT ayaa xaqiijiyey, in labada kooxood ay ka heshiiyeen qiimaha lacagta ay ku kala iibsanayaan laacibkan oo noqonaysa £46 milyan oo Gini.
Markii saaka laga fasaxay tababarka Ajax ayuu Martinez u dhaqaaqay tijaabada caafimaadka, waxaanay Manchester United u diyaarinaysaa diyaarad khaas ah oo uu ku tago waddanka Australia oo uu kula midoobi doono ciyaartoyda kooxdiisa cusub ee Man United oo halkaas safar ciyaareed ku jooga.
Dhinaca kale, Manchester United ayaa la sheegay in maanta ay heshiis buuxa la gaadhay Barcelona oo ay isla meel-dhigeen heshiiska xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong oo aanay jirin hadda wax labada kooxood u hadhay, balse kaliya ay hadhsan tahay in Man United ay laacibka reer Netherlands kala heshiiso mushaharkiisa iyo waqtiga.