Tuesday, May 13, 2025
HomeEditorialSababihii Siyaad Barre ugu doortay Dafle taliyaha NSS 1970kii.

Sababihii Siyaad Barre ugu doortay Dafle taliyaha NSS 1970kii.

NISA oo horay loo dhihi jiray NSS waxaa dhidibbada loo taagay 8dii Jannayo 1970, dhowr bilood kaddib curashadii Kacaankii 21kii Oktoobar 1969. kaddib markii la mideeyey laba hay’adood ee sirdoonka oo kala haa Sirdoonkii Mileteriga (Military Intelligence) iyo Sirdoonkii Ciidanka Boliiska (Special Branch). Waxaa laga soo gaabiyey NSS “National Security Service” oo ahaa nabad sugidii iyo sir doonkii Soomaaliya (intelligence agency of Somalia) xilligii dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Xarunta NSS waxay ahayd Muqdisho intii u dhaxaysay 1970 ilaa 1990. Wixii ka dambeeyey dagaalkii ahliga ee Soomaaliya 1991 ayey hawl gab noqotay NSS.

Dowladdii madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf ayaa mar kale dib boorka uga soo jaftay hay’addaan iyadoo taliye looga dhigay Jeneraal Maxamed Darwiish. Sannadkii 2013 dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa magacii u beddeshey NISA oo laga soo gaabiyey “National Intelligence and Security Agency”.

Muddadii taliskii Kacaanka uu jiray hay’adda waxaa soo maray saddex taliye; Aun Dafle(1972-1982), Aun Maxamed Jibriil (1982-1990) & Aun Aadan Cirdi (1990-1991). Waxaa la sheegaa sababta Jeneraal Maxamed Jibriil (1928-2005) oo ka da’ weynaa, kana waayo-aragsanaa oo ku dhawaad 20 sanno (1952-1970) kusoo jiray qeybta sirdoonka booliska (Special branch). In taliye xigeen looga dhigo Jeneraal Dafle (1937-2025) oo muddo kooban ku jiray ciidamada. Waxaa loo nisbeeyaa labo sababood dartood:

1- Maxamed Jibriil oo aan ka mid ahayn 25 sargaal ee dhaliyey Kacaankii 21-kii Oktoobar.

2- Maxamed Siyaad Barre oo fahansanaa muhiimadu hay’adda sirdoonka u leedahay ku waarista kursiga madaxtinimo.

Taas oo keentay inuu u dhiibo wiilka uu soddogga u ahaa, una arkayey gacantiisa midig waa Axmed S. Dafle oo ay u dhaxday ina Maxamed Siyaad Barre. Intaan Dafle loo magacaabin taliya NSS labo jeer ayaa la dalacsiiyay intii u dhexeysay 1970kii iyo 1971dii iyada oo la siiyay darajooyinka Gaashaanle Dhexe iyo Gaashaanle Sare.

Muddaddii 12-ka sano ahayd (1970-1982) uu madaxda ka ahaa Dafle hay’adda, xuuraanka iyo sirdoonka arrimaha dibadda waxaa la xusaa inuu horumar fiicaan ka sameeyey, loollankii Dagaalkii Qaboobaa iyo tartanka labaddii quwadood Ruushka & Mareykanka ee ku loollamayey qaaradda Afrika iyo dunida Carabta qaarkeed. Dafle wuxuu mar ahaa taliye sirdoon ee ugu saamaynta badnaa qaaradda Afrika, isagoo saameyn siyaasadeed ku lahaa dalal badan oo Afrika ah.

Markay noqoto saameyntii NSS ee gudaha muddo xilleedkii taliye Dafle rajiimkii kacaanka wuxuu maamulay dhacdooyin waaweyn oo sameyn ku yeeshay kalsooniddii iyo aaminadii ee lagu qabay nidaamkii dowladnimo ee Soomaalida. Waxaa ka mid ah feylasha xilliguu taliyaha ka ahaa hay’adda sirdoonka qaran ay maamushay:-

Toogashadii tobankii culumo (1975) ee ka hor yimid xeerkii qoyska.

-Toogashadii siddeetankii sargaal ee Jigjiga lagu togtay (1978).

-Toogashadii saraakiishii isku dayey afgembiga (1978). -Fashilkii iyo jabkii dagaalkii Itoobiya (1977).

-Sumeyntii baraagihii iyo gubiddii tuulooyinkii Mudug & Nugaal ee beelaha ku abtirsida jamhaddii SSDF.

-Beegsigii iyo tacadigii loo geysan jiray beelahii ku abtirsan jiray jamhaddii SSDF.

Dafle ayaa xilka laga wareejiyey sannadkii 1982 iyadoo loo magacaabay taliye xigeenkii NSS. Maxamed Jibriil Muuse oo la xuso inuu sabab u ahaa heshiiskii taliskii Kacaanka iyo Jamhaddii SSDF. Isku soo duub waxyaabaha curyaamiyey hay’adda sirdoonka qaranka Soomaaliyeed waa in ay taniyo aasaaskeedii ku milantay siyaasadda halkii ay ka noqon lahayd hay’ad farsamo (technocratic).

WQ: Maxamuud Axmed (Maxamuud-Mass).Email: Mohamudahmed140@gmail.com

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments