Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgalladii ugu dambeeyay tuulooyin badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galguduud kala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha dawladda.
Halka sidoo kale Dagaallo ka dhan ah Alshabaab laga abaabulay Koonfur Galbeed & Jubbaland.
Deeggannada cusub ee Al-shabaab lagala wareegay ayaa waxaa ka mid ah Moqokori iyo Tardo, Moora-Eri, Gumarre iyo Qooxle oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, sida ay Warbaahinta Dawladdu baahisay halka gobolka Galguduudna laga qabsaday deegaannada Maygaag-dhuub, Dhisaqo, Dhuumoodle, iyo Cali-weyd iyo Dacawa-xun.
“Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xoreynta deegaanada bariga gobolka Galgaduud ayaa si nabdoon kula wareegay deegaanka labi-dulle oo in ka yar 16km ujirtaa magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lasoo dhigay Twitter-ka ciidanka xoogga dalka.
Dawlad goboleedka Koonfur galbeed waxaa Shabaab laga qabsaday deegaanka kala ah: Saydhalow, Baayaale, Caliyo dooyow, Karanooy & deegaamo kale oo ka tirsan Gobolka Baay.
Ciidamada Xoogga Dalka & dadka deegaanka ayaa weli isku afgaran la’ sida dagaal loogu qaadi lahaa Degmada Ceelbuur iyadoo warar aan ka helayno sheegayaan in khilaaf soo kala dhex galay Hoggaanka Ciidanka & dadka deegaanka.
Dhaq-dhaqaaqa dagaalkii lagula jiray Shabaabka ayaa sii daciifaya maalmihii u dambeeyay, lama oga in mar kale Dawladdu soo qaadi doonto dagaal, iyadoo La-taliyaha Amniga Qaranku sheegay in Qorshe balaaran ay u dajiyeen xoreynta deegaanka Shabaabku haystaan, iyadoo laga faa’iideysanayo dadka deegaanka ee abaabulan.
La-taliyaha Qaranka oo ka jawaabaya in Beelaha la hubaynayo ayaa difaacay isagoo sheegay in dawladdu keliya ku taageerto rasaas halka beeluhu iskood u hubaysnaayeen.