Tuesday, May 21, 2024
HomeSportsLiverpool oo ku guulaysatay koobka Community Shield

Liverpool oo ku guulaysatay koobka Community Shield

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku guuleysatay koobka Community Shield kaddib markii ay 3-1 ku garaacday Manchester City,

Liverpool ayaa koob iyo guul weyn ku furatay xilli ciyaareedka cusub ee 2022/23, waxaana qaybtii hore ee ciyaarta gool qurux badan u dhaliyey Trent Alexander-Arnold, halka goolka barbaraha uu dhaliyay saxeexa cusub ee Man City Julian Alvarez,
Mohamed Salah ayaa mar labaad hogaanka u qabtay cayaarta oo dhaliyay gool rikoodhe loo dhigay kooxdiisa kaddib markii ay Ruben Diaz gacanta kaga dhacday kubbad uu Darwin Nunez madax ku qabtay oo goolka kusii socotay.
Darwin Nunez ayaa waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta madax ku dhaliyey kubbad uu Andy Robertson dhinaca bidix kasoo jabiyey, taas oo uu isla gaabiyey, kaddibna madax u raaciyy.

Tababaraha Liverbool Jürgen Klopp wxa uu qadaya koobka kaliya ee u dhinaa inta uu Liverbool joogay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments